Agaasimaha guud ee  Hoggaanka Socdaalka JFS oo la kulmay Safiirka Soomaaliya ee...

Agaasimaha guud ee  Hoggaanka Socdaalka JFS oo la kulmay Safiirka Soomaaliya ee Biljum

839
0
SHARE

Agaasimaha Guud ee Hoggaanka Socdaalka G/Sare Maxamed Adan Koofi ayaa dalka Biljum kula kulmay maamulka  Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalkaasi iyo qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Agasimaha ayaa halkaas kulan kula qaatey Safiirka safarada, Qumsulka iyo guddi ka socdey bulshada  Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Biljimka.

Kulanka ayaa looga hadley adeegga bixinta baasaboorka iyo aqoonsiga oo dhowaan laga bilaabey safaaradda, wuxuuna agaasimuhu kala hadley masuuliyiinta safaaradda iyo gudigaba muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka lagu bixiyo baasaboorka iyo aqoonsiga.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Beljimka ayaa uga mahadceliyey HSJ adeegga ay soo gaarsiiyey oo dhib badan ay u mari jireen helidda baasaboorka iyo aqoonsiga

 

 

LEAVE A REPLY