Wasaaradda Gaadiidka Badda oo soo saartay digniin

Wasaaradda Gaadiidka Badda oo soo saartay digniin

908
0
SHARE

 

Muqdisho(SONNA)…Maamulka Wasaarradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda ayaa maanta soo saaray dignin ku socota ganacsatada oo la xiriirtay in la gaaray xilligii badxiranka oo la filayo in ay sii hiraan illaa bisha Setembar.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa  sheegay in la gaaray xilligii bad xiranka ,isla markaana loo baahan yahay in maraakiibta iyo doonyaha culeyskoodu ka yaryahay ka 1200 MT ilaa 1500mt  aysan isticmaalin baddaha maadama xilliyadan oo kale ay jiraan mowjado iyo dabeeylo xoogan.

Agaasimaha Guud ayaa ka dalbay ganacsatada in ay ganacsigooda ku soo rartaan maraakiibta waaweyn si iyagoo badqab ah ay u soo gaaraan dekedaha dalka.

 

LEAVE A REPLY