Federaalku ma aha nidaam sax ah ee xal u qaado (Faallo)

Federaalku ma aha nidaam sax ah ee xal u qaado (Faallo)

957
0
SHARE

Waxaa caado ama dhaqan ah in umada kasta oo ku nool Dunida ay leedahay waxyaabo u suurtagaliyay in ay qaataan nuucyo ka mid ah habraaca nidaamyada aasaasiga ah ee lagu maamulo dal iyo dad. Bulshada Soomaakiyeedna waxa ay ka mid tahay shucuubta caalamka ,gaar ahaan kuwa muddo kooban ku soo jiray ama lagu maamulaayey xukun dowladnimo oo rayid ah  mid ciidan oo keli talis ahaa iyo xukun lagu soo doortay hab baarlamaan.

Hannaanka federaalka waa mid ka mid ah nidaamyada ama tiirarka lagamamaarmaanka ah ee ay ku dhaqmaan Shucuubta dalal ka tirsan caalamka, wuxuuna qaab ahaan u taagan yahay dhismaha Maamul Dowladnimo oo ka soo bilowda gunta hoose ama heer degmo illaa heer gobol ,kaas oo bulshadu wadaageyso dowlad dhexe ,dowlad goboleedyadana ay u madax bannaan yihiin maamulkooda hoose.

Dalal kamid ah  caalamka oo lagu tiriyo in ay faraha kula jiraan  siyaasadda  Soomaaliya ayaa u arka in waqtigaan aan la sameyn Karin dowlad adag oo la mid ah kuwii soo maray dalka,kadib burburkii dowladnimo ee dhacay,isla markaana sababay kala shaki iyo midnimo guud oo la waayo,iyadoo  dhiirigalisay in ay abuurmaan kooxo iyo qabiillo sameystay maamullo qeyb ka ah Soomaali weyn iyo kuwo gooni isutaag ah, waxayna dalalkaasi oo isu muujiyay saaxiibada Soomaaliya ay  doorbideen in marka hore dalkaan lagu tijabiyo habka federaalka, kadibna lagu dhaqaaqo qaadashada nidaamkii kale ee ay u baahdaan dadka Soomaliyeed.

Haddaba, laga soo bilaabo sanadkii 2004-tii illaa hadda oo talada dalka uu hayo Madaxweyne Farmaajo,waxaa socda wax ka baddal ama wax ku daris lagu sameynayo qoraalka dastuurka qabyada ah ,iyadoo guddiyo badan oo isugu jira aqoonyahanno,culuma’udiin iyo waxgarad oo kaashanaaya xildhibaanno iyo maamulka wasaaradda dastuurka ay haatan ku howlan yihiin dhameystirka qoraaalkaasi ,waxaana la sugayaa in muddo 2-sano ah oo hadda dhiman lagu dhameystiro  dastuurka.

Qaar kamid ah  guddiyada  u xilsaaran dastuurka ayaa ku guuleystay in qoraalka qabyada ah ay kala tashadaan xilddhibaanada baarlamaanja, maamulka dowlad goboleedyada dalka iyo qeybo badan oo lagama maarmaan u ah socodsiinta howlaha dastuurka qabyada ah ,waxaana la filayaa in bilaha soo socda la qabto dood cilmiyeedyo  ama aqoon isweydaarsi ay ka qeybgali doonaan qeybaha ururada bulshada iyo waxgarad kale,kaas oo looga hadlaayo soo bandhigidda dastuurka federaalka iyo sida loogu soo dabbaali karo dadka iyo Dalka,kaas oo ay ka qeybgeli doonaan qeybaha ururada bulshada iyo wqaaxgaradka Soomaaliyeed.

Inkastoo ay socoto dib u eegista qoraalka qabyada ah ee dastuurka federaalka isla  markaana ay gacanta ku hayaan guddiyo dhowr ah oo ay kamid yihiin kuwo u xilsaaran xuduudaha,xallinta khilaafaadka iyo kuwo kale sida aqoonyahanno,Xildhibaanno iyo Wasiirro,haddanna waxaa lama huraan ah in baarlamaanka hadda jira uu awood u yeesho soo gabagabeynta  qoraalka qabyada ah ee dastuurka federaalka oo u baahnaan doona in lagu ansixiyo afti dadweyne ama in loo qaado codka Xildhibaanada golaha baarlamaanka

Culeysyada jira ee u baahan in laga sii taxadiro, ayaa ah soo bandhigidda qariidada ama naqshadahii hore ee xuduudaha gobolalada Soomaaliya iyo sida ay u ogolaanayaan maamul dowleedyada dalka iyo nidaamka kale ee la xiriira habqeybsiga kheyraadka dalka,waxaana hubaal ah haddii tallaabadaasi lagu guuleysto in si degdeg ah loo soo afjaraayo dhismaha dastuurka

Arimaha kale ee loo baahan yahay in xoogga la saaro ayaa sidoo kale ah in dib loo soo celiyo 18-kii Gobol iyo 92-dii Degmo ee uu Dalku lahaa,iyadoo la dhowrayo sohdimihii horay u jiray ee dhinaca Degmooyinka iyo kuwa dabiiciga ah sida buuraha ,wabiyada iyo sohdimaha Joqraafiga,taasoo ujeedadeedu tahay in aysan isku dhicin ama la kala xadeeyo Maamul Goboleedyada .

Marka loo eego qaadashada nidaamka federaalka ee Soomalia waxaa lagu tilmaamaa xilligaan in uu yahay mid xal ah oo lagu raadinaayo midnimo Soomaaliyeed,mana ahan Nidaamkani xeer qasab ku ah dadka Soomaaliyeed ee ku kala baahsan ama degan inta u dhaxeysa Raas-caseyr illa Raas-kamboni.

Siyaasiyiin ,aqoonyahanno iyo dad kale  oo Soomaali ah ayaa qaba in habka federaalka uu yahay mid ku dhisan ugu yaraan laba heer oo dowladdnimo ah,isla markaana awoodo badan oo ay lahaayeen Xukuumadda siinaya Maamul goboleedyada, hasa yeesgee dadaalada lagu bixinay dhameystirka dastuurka ee dhinaca wax ka badalka iyo wax ku daridda federallka waxa ay umuuqdaan kuwo ay ku howlgali karaan dowladda dhexe oo sal adag iyo maamul goboleedyada dalka

Nidaamka federalka ee ugu haboon in soomaliya qaadato,ama lagu dhaqo waxaa la oran karaa dhismaha Dawlad dhexe oo awood leh oo maamusha nidaamka guud ee looga baahan yahay dowlad iyo in maamul goboleedyada loo madaxbaneeyo  adeegyada aasaasiga u ah,isla markaana mas’uulka ugu sareeya loogu yeero Barasaab ama guddoomiye goboleed.

Waxaa xaqiiqo ah in haddii la doonayo nidaam federaal oo macquul ah in la sameysto Dastuur aan dhibaatooyin u keeneyn shacbiga,isla markaana fududeeya in dadku meeshii ay doonaan ama rabaan ka heli karaan adeegyada aasaasiga ah ee xagga nolosha,lagana gudbo caqabadaha uu yeelan karo nidaamkaan iyadoo mudnaanta la siinayo dhismaha maxkamad dastuuri ah oo ilaalisa sharciyada iyo danaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada

Waa  lama huraan ah in la helo dowlad dhexe oo gacanta ku heysa ama wakiil ka ah ,Calanka,Ciidda iyo dadka Soomaaliyeed,isla markaana maamusha qeybaha ciidamada,arimaha socdaalka,kuwa maaliyadda iyo xuduudaha dalka.

In la kordhiyo  wacyige linta bulshada, isla markaan dadwaynahana loo bisleeyo nidaamkaan waa sida kaliya ee lagu gaari karo isku duubni iyo horumar,waxaana habboon in markastaba la dhowro maqaamka Muqdisho ay u leedahay dadka iyo dalka,iyadoo sida ku qoran dastuurkii 60-kii aysan jirin xad lama dhaafaan ah oo hor-istaagi kara fididda caasimadda dalka.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

 

LEAVE A REPLY