Wasiir Beyle oo ka hadlay wixii u qabsoomay (Faallo)

Wasiir Beyle oo ka hadlay wixii u qabsoomay (Faallo)

605
0
SHARE

(SONNA)—Dowlada Soomaaliyeed ayaa beryahaaba waday dadaalo ay ku horumarineyso Dakhliga soo gala, islmarkaana ay ku hubineyso sidii gacmo ammaan ah u qaban laheyd meelaha Ilaha dhaqaalaha ee ay ka soo xaroodaan Lacagaha ugu badan, kuwaasi oo kala ah Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha, waxayna marar badan ku tageen kormeero ay Masuuliyiintu ku xaqiijinayaan sida ay u socdaan soo xareynta Lacagaha, kuwaasi oo si toos ah ugu dhaca Bangiga dhexe ee Soomaaliya, in kastoo aysan jirin Canshuur ka soo xaroota Berriga, hadday jirtana ay yar tahay.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kormeero is daba joog ah ku sameeyay ilaha dhaqaalaha Dalka gaar ahaan Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, taasi oo uu ula jeeday dardargelinta, kordhinta dakhliga dalka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, haddaba maanta ayuu ka hadlay Wasiirku arrimo badan oo ay ka mid tahay waxqbadka Wasaaradda labadii bilood ee la soo dhaafay, kordhinta dakhliga dowladda, sare u qaadista isla xisaabtanka, deymaha dalalka caalamka ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo hanaanka canshuuraha dalka.

Dr. C/raxmaan Beyle, Wasiirka Maaliyadda oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda cusub ay ku dhowdahay in ay gaarto isku filnaansho ah maareeynta kharashka ku baxay dowladda, wuxuuna yiri “Waxaan dooneynaa in wadanka uu ku filnaado kharashaadka ku baxaya dowladda sida bixinta Mushaaraadka Shaqalaha iyo Ciidmada iyo running cost, oo ah waxyaabaha shaqada ku soconeyso, labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa ku guuleysanay in aan bixino mushaaraadka Ciidanka iyo Shaqaalaha dowladda”.

Wasiirka oo ka hadlaayay Lacagaha Gunnooyinka ah ayaa yiri “Waxaan meesha ka saarnay lacagtii gunooyinka ahaa oo intii kiishka lagu qaato dadka loo qaybin jiray, taasi oo aan ka mid ahayn nidaamka isla xisaabtanka iyo hufnaanta, qof walba oo dowlada lacag ka qaata waxaan u samayn Bangi Xisaabeed ay lacagtiisu ku dhacdo”.

Wasiirka oo ka hadlayay Canshuuraadka ayaa tilmaamay in Dowladihii hore ee 1991-kii ka horeeyay canshuurta berriga ay aheyd dakhliga dalka in ka badan 90%, wuixuuna xusay in maanta ayan jirin arintaasi, iasgoo ku sababeeyay Wasiirku, amni darada ka jirta Dalka, wuxuua intaasi raaciyay in haddii amniga la sugo la aarayo isku filnaanayaa.

Wasiir Beyle waxaa kaloo uu Shirkaasi Jaraa’id ku soo hadal qaaday Deymaha Dalka Soomaaliya lagu leeyahay, isagoo sheegay in dalka lagu leeyahay deyn lacageed ka badan $5, Bilyan, taasi oo ay ku leeyihiin dalal iyo hey’ado caalami ah, isla markaana wadahadolo dheer kadib lagu rajo weyn yahay in laga cafiyo deymahaasi.

“Deynta waxaa nagu leh saddex qolo oo kala ah dalalka Yurub, dalalka Carabta oo ah kuwa ugu badan iyo waliba Bankiyo caalami ah hey’adda lacagta adduunka {IMF} iyo World Bank”, sidaasina waxaa yiri Wasiirka Maaliyada
Wasiirka oo arrintaasi ka sii hadlayay ayaa sheegay in ay dalalkaasi iyo hey’adaha ay kala hadleen sidii deyntaasi looga cafin lahaa Soomaaliya, maadaama aysan bixin Karin lacagtaasi waqtigaan xaadirka ah, wuxuuse Wasiirku sheegay in Dowlad ahaan nalagu xirey shardi ah in marka hore aan hagaajinno hannaanka Maaliyadda dalka, isla markaana muddo 12 bilood ah loo qabtay in ay arrintaasi hirgeliyaan si loo cafiyo deynta.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa sheegay in deeq lacageed oo gaaraysa $50 Million ay ka heleen bankiga aduunka, taasi oo wax loogu qaban doono dadka abaaruhu saameeyeen, kuwaasi ayaana mashaariic kala duwan loogu sameyn doonaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuurta ku waajibtay, wuxuuna sheegay in Dowladdana dhankeeda ay ilaalin doontaan amaanadaasi.

Waa dhab in wax badan ay Wasaaradda Maaliyadu qabatay, balse waxaa looga baahan yahay weli inay bilowdo Canshuuraadka Berriga, taasi ayaa ah midda ugu badan oo laga soo xareeyo Lacago badan ee lagu dabooli lahaa baahida dhaqaale ee Dalka.

Qallinka: C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY