Shir Looga Hadlayo Qabyo Qoraalka Isu Socodka Xorta Ee Dalalka Afrika Oo...

Shir Looga Hadlayo Qabyo Qoraalka Isu Socodka Xorta Ee Dalalka Afrika Oo Ka Furmay Kigali

741
0
SHARE

Kigali,(SONNA):-Wajiga labaad Shirka  dhamaystirka Hab Maamuuska Qabyo Qoraalka isku socodka xorta ah ee Dadyoowga Africa (free movement of person in Africa) ayaa ka furmay Magaalada Kigaali ee Caasimadda dalka Rwanda.

Shirkan ayaa wajigiisa labaad waxaa kaalinta ugu muhiimsan iska lahaa Hay’addaha Socdaalka Afrika ( immigrations Africa ) madama arimaha laga hadlaayo ay yihiin shaqooyinka Hay’addaha Socdaalka ee dalalka Qaaradda Afrika.

Shirka waxaa dowladda Soomaaliya ku matalaya qubarro ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya, islamarkaana ku takhasuusay Shirciyada iyo arrimaha Socdaalka Dunida.

Hadafka ugu weyne ee laga leeyahay qabyo qoraalka isku socdka xorta Afrika ayaa ah in dhamaan dadyowga ku nool qaaradda Afrika ay isku gudbi karaan iyadoo aysan jirin wax Fiiso ah ama dal-ku gal ah.

LEAVE A REPLY