FAALLO: Guluf ka dhan ah Al-shabaab oo bilaabanaya

FAALLO: Guluf ka dhan ah Al-shabaab oo bilaabanaya

972
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Dowladda Soomaaliya Masuuliyiinteeda ugu sarreeya ayaa goor hore ku dhawaaqay in Guluf ballaaran lagu qaadi doono meelaha ay Dalka kaga sugan yihiin Kooxda Alshabaab, taasi ayaa waxay keentay in ay kooxaha nabad-diidku ku dhaqaaqaan falal ka dhan ah Biniaadannimada oo ay ka mid tahay Dilal, Qaraxyo, gubid tuulooyin, iyo waliba inay kaxeystaan Dad nool iyo Xoolo, iyadoo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ay ka mid ahaayeen qaraxyo lagu naf waayay ay ka fuliyeen Magaalooyuin ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Dhacdooyinka ugu dambeeyay waxaa ka mid ahaa Deegaanka Number 50 oo ay Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen hal qof islamarkaana ay qafaasheen ilaa 25 qof, kuna gubeen Tuulooyin kadib weerar ay ku soo qaadeen deegaanno u dhexeeya Afgooye iyo Marka.

Masuuliyiinta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku eedeeyey Al-Shabaab inay sal- kicinayaan dadka rayidka ah ee deegaanka, wuxuuna xusay inay gubeen 14 Tuulo, islmarkaana ay kaxeysteen Dad nool iyo Xoolihii ay lahaayeen Dadka Deegaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa Warbaahinta u xaqijiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in Maleeshiyaadka Al-shabaab oo noqday naf lacaari ay ku soo qamaameen Dadkii degganaa Tuulooyinkaasi, si ay u barakiciyaan, islmarkaana Xoolahooda dhahacaan.

Haddaba si loo dar-dargaliyo howl-galada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Alshabaab ayay Masuuliyiinta Dowladdu qaaday tallaabo lagu dar-dargalinayo la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoo uu Ra-iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Adem, Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ay shalay kormeer ku tageen xeradii Ciidanka Cirka ee deegaanka Balli Doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra-iisul Wasaaraha ayaa ujeedada kormeerkiisu la xariiray in uu la dardaarmo Ciidamaddii ku sugnaa xerada ee loo diyaariyey dib u xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab ee Gobolka Sh. Hoose, isagoo ku ammaanay Ciidamadda dadaalada dheeradka ah iyo howlgalladda lagu dabar-goynayo kooxda Al -Shabaab, “Waxaan aad iyo aad ugu qanacsanahay isbeddelada iyo fir fircoonida Ciidamadda Xoogga iyo waliba sida geesinimada leh ee u dagaalamayo askariga Soomaaliyeed” ayuu yiri R.W Kheyre.

Mudane Xasan Kheyre ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Ciidamadda Xooggga dalka inay ilaaliyaan karaamada Umadda Soomaaliyeed , “haddii aan rabno in aduunka qiimi ku lahaano Qarannimaddii Soomaalyeedna si buuxda u soo celino, waxay ku xiran tahay Ciidanka, Ciidankuna in uu sharaf yeesho waxay ku xiran tahay in shacabka la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah. Xukuumadduna waxay xoogga saari doontaa in bil walba ay helaan xuquuqdooda, horeyna waan u bixinay Mushaaraadka” ayuu yiri.

Ra-iisul Wasaaraha waxaa uu si gaar ah mid mid ula hadley Ciidankan ka qeyb-qaadan doona howlgalka lagu sugayo amniga Caasimadda iyo deegaanada ku xeeran, si gaar wuxuu u sheegay in Ciidamadani oo gaaraya1,600 oo askari ay ka sifeyn doonaan meelaha ay ku dhuu-maaleysanayaan cadowga shacabka Soomaaliyed ee ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose.

Ra-iisal-wasaaraha ayaa ugu dambeyntii wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxayna ballan qaadeen inay kor u qaadayaan akhlaaqada Ciidamadda iyo ilaalinta xaq-dhowrka Shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale inay dar-dargelinayaan how-galladda dalka looga xorreynayo Kooxaha Argagixisada ah.

Haddaba waxay shacabku ka dhur sugayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay si deg deg ah ugu dhaqaaqaan ka nadiifinta deegaanada ay wali ka taliyaan Maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo dhibaatooyin joogta ah ku haya Dadka ku dhaqan goobahaasi.

Qallinka: C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY