FAALLO:Aas-aaska Ururka Midowga Afrika oo lagu xusay Kuwait (Sawirro)

FAALLO:Aas-aaska Ururka Midowga Afrika oo lagu xusay Kuwait (Sawirro)

504
0
SHARE

Muqdisho(SONNA—Ururka Midowga Afrika waxaa la aas-aasay sanadkii 1963-kii,waxaase magaca hadda loo yaqaan ee AU loo bixiyay 09/06/2002-kii , ka dib markii la baabbi’iyay midowgii ama magacii hore ee uu lahaa ururkan oo ahaa isutagga dawladaha Afrika OAU, go’aannada ugu waawayn waxaa la qaataa inta lagu jiro shirarka la qabto lixdii biloodba mar, iyadoo ay markaasi ka soo qeybgalaan Madaxda ugu sarreeysa, Shir-guddoonka guud ee ururku waxaa uu ku yaallaa Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

Ururku waxyaabaha ay fuliyaan waxaa ka mid ah in ay hay’adaha Midawga Afrika u fududaynta iyo dadajinta isdhexgalka dhaqaalaha iyo isu-furanka dhaqaale ee wadamada Qaaradda Afrika si loo horumariyo dhaqaalaha iyo Siyaasadda qaaradda Afrika.iyo sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha iyo amaanka qaaradda Afrika.

Midawga afrika waxa uu ka koobanyahay 2 qaybood oo kala ah mid Maamul iyo siyaasadeed waxa loo yaqaanaa fuliyaha ama go’aan qaataha koobaad ee ururka Guddoonka Guud oo ah Madaxda ama boqorada dawladaha, qeybta labaad waa qaybta siyaasadda gudoonka guud ee Midawga afrika, waxa kale oo jira baarlamaanka Afrika, Addis Ababab-na waa caasimadda Maamul ee ururka, halka Barlamaanada Afrikana uu yahay Johansburg ee Dalka Koonfur Afrika.

Haddaba Khamiistii la soo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneyd 18 May 2017-ka ayaa dalka Kuwait lagu qabtey Xaflad ballaaran oo lagu dabaaldegey 54 sano guurada ka soo wareegatay aas-aaska ururka Midowga Afrika, waxaana habmaamuuska xaflada sanadkaan hormuud ka ahayd Safaaradda Jamhuuriyada Soomaaliya ee dalkan Kuwiat, iyadoo ay ka soo qeybgaleen dhammaan Safaaradaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika ee Xarumaha ku leh Dalka Kuwait.
Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait Cabdulqadir Amin ahna Hormuudka danjireyaasha oo khudbad ku jeediyay magaca Danjireyaasha dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Kuwait ayaa ugu horreyn soo dhaweyn iyo mahadnaq ballaaran u jeediyay danjireyaasha iyo marti sharafta kale oo xafladda ka soo qeybgalay.

Danjire Amiin wuxuu si gaar u soo dhaweeyay Qoyska reer Sabbaax oo ay ugu horreyso Sheykha Fariixa Al-Axmad Al-jabir Al-sabbax, oo la dhalatay Amiirka dalka Kuwait.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kuwait Amb: Cabdulqaadir Sh Aamiin ayaa madasha ka jeedyay khudbad dheer oo uu kaga faallooday halgankii dheeraa ee Africa ay soo gashay sidii ay isaga dul qaadilaheyd heeriyada Gumeystaha, kaasoo daldalanayay macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku manneystay Qaaradda Afrika.

Mudane Amiin ayaa khudbaddiisa kaga hadlay horumarka dhanac kasta ah ee ay maanta ku tallaabasadeen Madaxda qaaradda Afrika, gaar ahaan 54-kii Sano ee uu dhisnaa Ururka Midowga Afrika.

“Africa waxay maanta mareysaa in mashaakilkeeda dhan walba leh xaliso, iyadoon u baahneyn faragelin shisheeye, horumarka weyn ee dhinaca Amniga ee uu dalka Soomaaliya maanta gaaray, waxaa iska kaashada oo keliya Ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo walaalahooda ka kala yimid dalalka Afrika” ayuu yiri Danjire Amiin.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait ayaa ammaanay doorka dowladda Kuwait ay ka qaadaneyso horumarka Dalalka afrika iyo mashaariicda horumarineed ee Kuwait ka fulinayso Africa oo uu ka mid yahay Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha iyo Bulshada Kuwait.

Munaasibadda waxaa sidoo kale khudbad ka jeediayay ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kuwait, isagoo ka hadlay xirirka qotada dheer ee Kuwait ay la leedahay dalalka Afrika iyo sida marwalba Kuwait ay diyaar ugu tahay xiriirka iskaashi ee kala dhaxeeya dalaka Afrika.

Madasha xafladda oo lagu soo bandhigay waxyaabo muujinayay Hiddaha iyo Dhaqanka Afrika ayaa waxaa si weyn uga muuqdey qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Kuwait, sida Aqoonyahaka, Culima’udiinka, Haweenka iyo dhalinyarada,waxayna ku soo bandhigeen Hiddaha iyo dhaqanka ay u gaarka tahay Ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba Qaaradda Afrika waa inay garataa in iyada isaga filnaanto dhinacyada Ammaanka, Dhaqaalaha iyo wixii kale oo ay ku gaari karto horumar dhan walba leh, waayo waa qaarad ka hodan ah dhammaan inta looga baahan yahay adeegyada lagamamaarmaanka u ah Noolaha, waana inay hurdada ka kacdaan oo ay ka baxdo magacii lagu naaneeysi jiray ee aheyd Qaaradddii mugdiga.

Qallinka: C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY