Wasiirka Dhallinyarada & Cayaaraha “Waxaan soo bandhigi doonnaa Qorshe Cad oo dhallinyarada...

Wasiirka Dhallinyarada & Cayaaraha “Waxaan soo bandhigi doonnaa Qorshe Cad oo dhallinyarada ka tarjumaya”

518
0
SHARE

Muqdisho- (SONNA)- Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha khadiijo Max’ed Diiriye oo k aka hadashay Xuska Munaasabadda 15ka may ayaa sheegtay in bisha June ee soo socota  ay wasaaradeedu  keeni doonto Qorshe cad oo siyaasadeed oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka turjmaya iyo dadka Soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah qaba sida kuwa Naafada ah, taasi oo ah mid ka maqan Dastuurkeenna, arrintaasina waa in looga faaa’ideystaa dib u eegista Dastuurka ee hadda gacanta lagu hayo si loo cadeeyo doorka muhiimka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed

“Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa ay ku duuleysaa Baraamijkii Ra’iisul wasaaraha uu Barlmaanka horgeeyey, Xukkuumadda hal ku dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol waxa ay dooneysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed si buuxda looga faaa’ieysto, waxaa ku howlanahay sidii aan u dhaqangelin lahayn barnamijyada loogu talogalay in loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ku shaqeyneynaa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya”,

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriiye, ayaa  u mahadcelisay dhammaan guddiyadii mudada dheer ka soo shaqaynayay xuska munaasabadda 74-aad ee maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.