Madaxwaynaha Galmudug oo maanta Cadaado lagu dooranayo

Madaxwaynaha Galmudug oo maanta Cadaado lagu dooranayo

579
0
SHARE

Cadaado-(SONNA)-Loollanka Doorashada hoggaanka Galmudug ayaa maanta ka dhacaysa Xarunta ku meel gaarka ah ee maamulkaasi ee magaalada Cadaado, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeya

Waxaa ka socda magaalada Cadaado diyaar garow la xiriira ololaha doorashada Madaxweynaha G/Mudug oo maalmihii ugu danbeeyay soconayay.

Dhanka kale Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa gaaray madasha doorashada ka dhacayso.

Musharaxiinta u tartamaya doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa kala ah Axmed Shariif Cali Hilowle ,Prof. C/qaadir Shirwac iyo Ex: Xidhibaan Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Habeennimadii Xalay oo dhan waxaa magaalada Cadaado ka Soconayay kulammo gaar gaar ah oo Musharaxiintu la kala yeelanayeen Xidhibaanada si ay uga kasbadaan kalsooni ay ugu codeeyaan.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in 3-da bishan oo maanta ah ay qabsoomi doonto doorashada Madaxwaynaha G/Mudug kadib markii dhowr jeer oo hore ay dib u dhacday.

Ciidamada Booliiska,Nabadsugida iyo kuwa AMISOM ayaa ka qayb qaadanaya Sugidda ammaanka magaalada,si doorashadu ugu dhacdo jawi nabdoon.

 

 

LEAVE A REPLY