Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya oo maanta kuwada ciyaarayo Jubba

Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya oo maanta kuwada ciyaarayo Jubba

2531
0
SHARE

Muqdisho (SONNA):-  Lugta labbaad isreebreebka koobka Chan-ka ee ah koobka labbaad ee ugu weyn qaaradda Afrika, waxaa wadda ciyaari doonno xulalka Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya, waxanna lagu dheelli doonna magaalada Jubba ee xarunta Suudaanta Koonfureed.

Xulka kubbadda cagta Soomaaliya, ayaa ciyaartii hore waxa qasaaro kala kulmay dhiggiisa kaddib markii ay kuwada ciyaareen magaalada Jabuuti ee xarunta waddanka Jabuuti.

Suudaanta Koonfureed oo kullankan ku ciyaareeyso gurigeeda ayaa heysato faa’ido weyn maadaama ay lugtii hore kusoo badisay 2-1, waxanna ciyaartan laga daawan doonnaa TV-ga dowladda ee Suudaanta Koonfureed.

Soomaaaliya waxaa ka maqan ciyaartan afar xiddig oo ka mid ah ciyaartooyda lugtii hore ciyaareysay kuwaas oo kullankan ku seeggayo dhaawacyo soo gaaray.

LEAVE A REPLY