Shirka Wasiirada Beeraha Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya Khartoum

Shirka Wasiirada Beeraha Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya Khartoum

456
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka wasaaradda Beeraha ee dowaladda fadaraalka ee Soomaaliya  Md: Saciid Xuseen Ciid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Suudaan, isagoo halkaasi kaga qayb galaya shirka Wasiirada Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

Wafdigaan ka socda Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan iyo Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, Maxamed Cabdullahi Ugaas.

Shirka wasiirada Beeraha ee Jaamacadda carabta  ayaa lagu wadaa in uu ka furmo maanta magaalada Khartoum, waxaana qorshuhu yahay in lagu doorta guddoomiyaha guddiga Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

W/D Yuusuf kashmiir-(Kartoum)

LEAVE A REPLY