Xulka qaranka Soomaaliya oo maanta u safray Suudaanta Koonfureed

Xulka qaranka Soomaaliya oo maanta u safray Suudaanta Koonfureed

1296
0
SHARE

Muqdisho: (SONNA):-

Wararka inaga soo gaarayo magaalada Jabuuti ee xarunta waddanka Jabuuti, ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay halkaasi ka dhoofeen ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliya, kuwaas oo ku sii jeeddo magaalada Jubba ee xarunta Suudaanta Koonfureed.

Ciyaartooyda kubbadda cagta dalkeenna ayaa 22-kii bishaan waxa ay magaalada Jabuuti kula ciyaareen xulka Suudaanta Koonfureed, waxanna looga adkaaday 2-1, lugta labbaad ee isreebreebka koobka Chan-ka ayey ku dheelli doonnaan magaalada Jubba.

Afar ka mid ah xiddigihii ciyaaray lugtii hore ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho waxanna ay kala yihiin Bile Muxyadiin Buraalle, Cabdikariin Cabdalla Maxamed (Qubbaaye), Xasan Cali Ibraahim iyo Idiris Amiin Cali, soo labbashadooda waxaa sabab u ahaa dhawacyo ay qabaan.

30-ka bishan April, ayaa lagu waddaa lugta labbaad inay ka dhacdo magaalada Jubba.

LEAVE A REPLY