Warbxin: Ma la iloobay Garoonka K/cagta Sportivo Vechio? (Sawirro)

Warbxin: Ma la iloobay Garoonka K/cagta Sportivo Vechio? (Sawirro)

1284
0
SHARE

Magaalada Muqdisho waxaa ka jira garoomo taariikh iyo magac weyn ku leh Dalka Soomaaliya ayna ka soo af-laxeen ciyaartooy badan oo door muhiim ah ka qaatay sare u qaadidda ciyaarta Kubadda Cagta ee Dalkeena, waxaana ka mid Garoomadaasi midka ku yaalla Iskool Boliisiyo ee Degmada Xamar Ja-jab, kan Wardhiigleey, Garoonka Waamo ee Degmada Boondheere, Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan iyo kuwa kale, waxaanse hadda qormadaan ku soo qaanayaa Garoonka Kubaddea Cagta ee loo yaqaanay Isportivo Feekiyo, kaasi oo ay ku soo ciyaaro barteen Ciyaartooy badan oo ka gaaray ilaa heer Caalami, waxaana laga xusi karaa Gool-hayihii Xulka Qaranka iyo Naadiga Horseed Jelaani Khaliif, Kuluu,Cabdi Kuus, Saciid Ducaale, Killer, iskoot, Siciid Ceyroow iyo kuwa kale oo fara badan.

Garoonka Kubadda Cagta ee Sportivo Veccio waxaa ka mid ah Ciyaartooydii ku ciyaari jirtay Ismaaciil Gariille Faxal (Macalimu) wuxuu ku dhashay Dhirirdhabe sannadku markuu ahaa 1942kii waxuuna ku barbaaray Diiradhabe. Ismaaciil wuxuu yaraantiisa jeclaa ciyaaraha wuxuuna ku hana qaaday ciyaarta kubbadda cagta, Ismaaciil wuxuu fagaaraha lagu hardmo ku soo biiray sannadkii 1957kii wuxuuna u saftay dugsiga dhexe ee (Alanyansi) ee diiradhabe wuxuuna la soo baxay ciyaar wanaag iyo karti dheeraad ah uu u hayo ciyaarta kubbadda cagta. Ismaaciil wuxuu u tallaabay kooxaha waaweyn qeybta (A) sannadkii 1958kii wuxuuna ku soo baxay ciyaar yahan caalami ah. Intii uu Naadiga ka tirsanaa wuxuu u soo hooyay horyaallo iyo koobab fara badan, kadibna waaxaa loo magacaabay kooxda qaranka ee dalka itobiya sannadkii 1963kii wuxuuna ka qeyb galay ciyaaro caalami ah waxaana loo aqoonsaday ciyaaryahanka Qaarada Afrika. Ismaaciil Gariille wuxuu kooxda qaranka ee dalka itobiya ugu soo ciyaaray dalalka ay kamid yihiin kiinya, Yugaandha, Tansaaniya, Nayjeeeriya, Gaana Senigaal, Maras, Tuniisiya, Marooko, Giriig, Talyaaniga, Faransiiska, Swidhen iyo dalka Suudaan, wuxuuna fagaara yaasha kala gadisan ka muujiyey ciyaar u qalanta kuwa heerka caalamiga ah ,waxaana loo bixiyay (MUALIMU) macnaheeduna yahay Macalin.

Ismaaciil Giriille waxaa lagu qoray diiwaanada waaweyn ee lagu geediy taariikhda caalamka waxaana lagu soo faafiyay wargeeysyada aduunka taleefishinada leyska arko iyo raadiyaha waxaana magaciisa lagu faafiyay afaf kala geddisan sannadku markuu ahaa 1966kii, kadibna waxa uu u soo wareegay Dalkiisa Hooyo, waxaana si sharaf iyo kalgaceel leh ugu soo dhaweeyay gegida dayuuradaha ee muqdisho kumayaal qof oo ku noolaa Gobolka banaadir oo xiiseeya ciyaaraha, Madaxda naadiyaha, Ciyaartoyda qeybta (A) iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada cagta waxaana la gudoonsiiyay xirmooyin ubax ah waxaana lugu soo galbiyay reyn reyn iyo kalgacal dheeraad ah oo umaada Soomaaliyeed u hayso, Ismaaciil wuxuu kadib ku biiray ciyaartoyda Soomaaliyeed wuxuuna markii u horreysay u saftay kooxda Ciidanka Booliska, wuxuuna soo bandhigay ciyaar wacan iyo waay aragnimo dheeraad ah oo uu ku lahaa kubbadda cagta, muddo kadib wuxuu u wareegay kooxda LLPP, Ismaaciil wuxuu kaloo u saftay Naadiyada kala ah Gaadiidka, Dowlada Hoose, Xoogga Dalka, Dirir Iyo Horseed, wuxuuna raali galiyay dadweynaha ciyaaraha xiiseeya Ismaaciil waxaa dabadeed loo magacaabay xulka Qaranka ee dalka soomaaliya sannadku markuu ahaa 1968kii.

Ciyaartooy fara badan, ayaa ku soo caan baxay dhinaca kubadda cagta, waxaana ka mid ahaa ciyaartoyga lagu magacaabo Siciid Ducaalae oo taageerayaasha kolka uu soo galo garoonka ay ugu yeeri jireen maliku al-kurra, haatanna si aad ahi caan uga ah magaalada cadan ee dalka yemen.
Ducaale markiisii hore waxaa uu u ciyaari jiray kooxda booliiska, hase yeeshee kolkii laysu geeyay labadii kooxood booliska iyo ciidamada magaca Horseedna loo bixiyey, ayaa waxaa uu ka mid noqdey ciyaartoydii nasiibka u yeelatay in ay matalaan kooxdaasi.

Siciid Ducaale waxaa uu ahaa nin la tirsado laadadka xorta ah kolka loo dhigo sida badan waxay ahaayeen goolal, kubadda scuruuga ama jarriinka waxaa la dhihi karayaa waxaa uu ka mid ahaa ama uu ahaaba ninkii ugu horreeyay somaliya kubadda jarriinka adeegsada inta badan marka uu laadayo laadadtka xorta ah, wuxuu kaloo ahaa weerariyahan celcelis ah oo daran, horseed waxaa uu u qaaday horyaallo iyo koobab fara badan, Xulka Qarankana waa uu ka mid ahaa.

Haddaba maadaama uu Garoonka Kubadda ee Sportivo Ceccio ama Garoonka Duqda ah waxa uu ku yaalaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamar Jab-jab inta u dhaxeysa Dekeddea weyn ee Magaalada Muqdisho iyo Dugsiga sare ee Booliska, waxaana uu ka mid ahaa kuwa ugu horeeyay ee lagu ciyaaro, haatan waa sidee xaalkiisu? su’aashaasi ayaan weydiiyay mid ka mid ah dhallinyaradii ku ciyaari jirtat Garoonkaasi sanadihii 80-tameeyadii oo lagu naaneyso Abaliisha, waaxaana uu yiri ” waan ku baashaali jirnay ilaa yaraanteydii, waxa uu ahaa garoon fiican oo ay Dowladdu maamusho, baaxadiisu waxay ahayd 110 dherer ah iyo 90 balac ah, galab walba waa la rusheyn jiray, waxaana ka taagnaa laba birood, haddana waad aragtaa sida loo soo yareeyay oo waxaa laga dhigtay Garaashyo Baabuur iyo meelo bushaash ah oo lagu qayilo, tasi waa dhib, mana ku ciyaari karaan dhallintu waayo waa cariiri”.

Sidoo kale waxaa aragtidiisa ka dhiibtay Bile Yuusuf Ibraahim (Alto) oo ka mid ah dhallinta hadda ku ciyaarta Garoonkaasi, wuxuuna ii sheegay in ka soo horjeedka Garoonka uu uga furan yahay Dukaan uu u bixiyay Weekiyo Shop, waxuuna intaasi ku daray inay dhallintu dhibaato ku qabaan ku ciyaaridda garoonka waayo ayuu yiri ” waxaa dhinac walba ka soo cunay Garaashyo baabuur iyo goobo meherado, kuwasi oo nagu cariiriyay baaxada garoonka”.

Dhallinta ku ciyaarta Garoonka waxay ka codsadeen Xukuumadda dhexe, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ispoortiga iyo Duqa Magaalada Muqdisho inay il gaar ah ku eegaan Garoonkaasi maadaama uu ka mid yahay dhulka Dowladda, islmarkaana lagu soo celiyo sidii uu beri ahaan jiray oo u gaar ahaa Ciyaaraha, waana filayaan in codsigaasi laga aqabalo ayay ku soo gabagabeeyeen hadalkooda.

Qallinka; C/llaahi Ruush

LEAVE A REPLY