Gacan Kudhiigel Dilay Askari Jabuutiyaan Ah Oo Caawa La Toogtay

Gacan Kudhiigel Dilay Askari Jabuutiyaan Ah Oo Caawa La Toogtay

1774
0
SHARE

Muqdisho,(SONNA):-Guddi ku howlanaa baarista Kiis la Xiriiray Dilka Askari Katirsan Ciidamada Hiil-Walaal ee ka socda Dalka Jabuuti oo Laba Maalin ka hor lagu dilay Magaalada Buulo-Barte ee Gobalka Hiiraan ayaa Xaqiijiyay in la Toogtay Maxamed Cabdi Maxamuud Oo ahaa ninkii Gacantiisa ku dilay Allaha u naxariistee Marxuum Daa’ud Daable Daa’ud.

Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada Koowaad Col Xasan Cali Shuute ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in dilka gacan kudhiigalaha uu yimid kadib markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgal qorsheysan ka furliyeen magaalada Halgan ciidamaduna ay toogteen markii uu iskacaabin kala horyimid ciidamada, maxkamadda Ciidamada Qalabka Siddana ay amartay in hadii uu isdhiibi waayo la toogto.

Guddiga ayaa intaas ku daray in lasoo qabtay laba nin oo gacansiinayay Gacan ku dhiiglaha, Qorigii uu ka qaatay Askariga Jabuutiyaanka ah ee uu hore u dilay iyo Qorigii uu dilka ku geystay, Meydkiisana hadda la keenay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Ee Magaalada Baladweyne.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa gacanta ku heysa Kiiska Faldambiyeedkaasi, waxaana dhawaan la filayaa in ay dhageysato dacwadda askari kale oo gacansiinayay gacan kudhiiglaha la dilay oo hadda kiiskiisa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda.

LEAVE A REPLY