Dabdamiska Dowladda Hoose Oo Damiyay Dab Caawa Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

Dabdamiska Dowladda Hoose Oo Damiyay Dab Caawa Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

747
0
SHARE

Muqdisho,(SONNA):-Agaasimaha Waaxda Dabdamiska Dowladda Hoose Ee Xamar Cabdirasaaq Maxamed oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa Xaqiijiyay in ay Damiyeen Dab Ka Kacay Suuqa Bakaaraha.

Agaasimaha Dabdamiska Ayaa sheegay in dabka oo sida la sheegay ka dhashay Koronto Qaldantay uu Saameyay Qeybo kamid ah Suuqa loo yaqaano Suuq Khaliif, islamarkaana ay gurbteen dukaamo iyo goobaha Dawaarka ee dharka lagu tulo.

“Hadda howshii gurmadka waan soo gabagabeynay, qasaaruhuna ma badna, aad ayay shaqaalaha gurmadka ee waaxda dowladda hoose u dadaaleen, dabka waxaa lagu hakiyay goobtii uu ka billowday oo jiha kasta ayaa laga galay waana daminay alle mahadii” ayuu yiri Mudane Cabdirasaaq.

Agaasimaha Waaxda Dabdamiska Dowladda Hoose ayaa ganacsatada ku dhaliilay in aysan ka fakarin qatarta ka dhalankarta Korantada iyo Ciriiriga waddo xumida marka muusiibooyinka noocaan oo kala ah ay dhacaan, wuxuuna ku booriyay in si dagdag ah ay ula yimaadaan qorshe waddooyin waasac ah oo la isugu gurman karo loogu yeeli lahaa Suuqa.

Majirto wax qasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka Caawa ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha.

LEAVE A REPLY