Dab Xoog Leh Oo Markale Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

Dab Xoog Leh Oo Markale Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

893
0
SHARE

Muqdisho,(SONNA):-Dab Xoog leh ayaa caawa markale ka kacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha, Gaar ahaan Suuqa loo yaqaano Suuq Khaliifa oo bil kahor sidaan oo kale dab qasaare Hantiyeed geystay u baabi’iyay.

Agaasimaha Waaxda Dabdamiska Dowladda Hoose ee Xamar oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa noo xaqiijiyay in baaxadda dabku ay weyntahay dhibaatana ay ka heysato sidii Gaadiidka dabdamisyadu u gaari lahaayeen goobaha uu dabku Saameeyay.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in hadda ay wadaan gurmad dag dag, ayna dalbanayaan Cagafcagayo si loo helo waddooyin lagu gaaro meelaha uu dabku kusii faafayo.

Laamaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah u daadgureeyay Gudaha Suuqa si loo badbaadiyo Hantida dadweynaha Soomaaliyeed, loona sugo ammaanka Suuqa oo howlo gurmad ah ay hadda Ka Socdaan.

lasoco Insha Allaah Wixii War ah ee ku soo kordha.

LEAVE A REPLY