Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buulaburde

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Buulaburde

653
0
SHARE

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Buulaburde ee gobalka Hiiraan, xili halkaas ay ka jirto xiisado colaadeed.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa halkaas u tagay sidii ay u xalin lahaayeen xiisada ka taagan degmadaas, iyadoo waliba shalay halkaas lagu dilay askari ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinaya socdaalkiisa masuuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil ka tirsan AMISOM iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY