Wasiirka Warfaafinta JFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta JFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro

592
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)…Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa maanta kulan la xiriiray habsami u socodsiinta  howlaha warfaafinta la  qaatay shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa  sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta Madaxdii Wasaaradda iyo shaqaalaha ay yeeshaan kulan wadatashi ah si loo dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda ay u heyso Umadda Soomaalieed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in ay kawar hayaan duruufaha aya ku sugunyiin shaqaalaha Wasaaradda  waxuuna ugu baaqay  in shaqadooda  ay dar-dargaliyaan ,isagoona Wasiirka balanqaaday in xuquuqdooda ay joogteen doonaan.

C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo ah  Agaasimaha Guud ee kmg Wasaaradda Warfaafinta aya ku ammaanay shaqaalaha Wasaaadda howlkarnimada iyo daacadda ay u yihiin shaqadooda,isagoo xusay in saacado badan ku jiraan howlaha ay u hayaan umada,wuxuuna ugu baaqay n ay halkaasi ka sii wqadaan adeegyada lama huraanka ah ee ay ka sugayaan dadka iyo dalka.

 

LEAVE A REPLY