FAALLO: Is-bedel aan hore loo arag!

FAALLO: Is-bedel aan hore loo arag!

5418
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo markii uu xilka Madaxweynenimo la wareegay waxa uu qaaday tallaabooyin uu ku tilmaamay is-bedel dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan inuu wax ka qabanayo Ammaanka, Cadaaladda iyo in uu si weyn ula dagaalmi doono musuq-maasuqa,kaaso la sheego inuu ragaadiyay Hey’adaha Xukuumadihii Dalka soo maray si loo helo Maamul wanaag , haddaba maxaan ka xusi karnaa ilaa iyo hadda waxa uu ku dhaqaaqay oo is-bedel siyaasadeed ah Madaxweynuhu ballanqaaday?.

Madaxeyne Farmaajo ayaa waxsa uu ku dhawaqay inuu sameynayo Xafiis qaabilsan soo ururinta Talooyinka Bulshada, kaasoo la sheegay inuu Ururin doono talooyinka ay Dadweynaha Soomaaliyeed ay u dirayaan Madaxweynaha iyadoo la faafifiyay email-ka lagu dirayo talooyinka ku socda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Xafiiskaan talo Ururinta u qaabilsanaan doona Madaxweyne Farmaajo ayaa talooyinka loogu diri karaa Emailka oo ah:- talowadaag@farmaajo2016.com, waana Email ku xiran website hore loogu sameeyay ololihii doorashada Mdaxweynaha, iyadoo markii la shaaciyay ay baraha bulshada iyo web site-yada ay hareeyeen talooyin iyo qormooyin Madaxweynaha iyo talooyin loo soo jeedinayo, waana wax lagu faano in ay tahay markii ugu horreeysay ee la furo xafiis noocaan oo kale ah oo ay sameeyaan Madaxda Dalka ee ugu sarreysa.

Dhinaca kale waxaa kaloo jira tallaabooyin aan hore looga baran Xukuumadihii Dalka soo maray waxaana ka mid ah in si ku meel gaar ah loo hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada Koontooyinka Bangiga Dhexe ee qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, tallaabadaasi ayaa lagu micneeyay Hakinta dhaqdhaqaaqa la faray Maamulka Bangiga Dhexe, iyadoo Amarka xanibaadda uu lahaa Madaxweynaha cusub ee DFS Maxamed C/llaahi ”Farmaajo”, waxa uuna Maamulka Bangiga faray in amarkaasi uu saameynaayo dhammaan Hay’addaha Dowladda Federaalka.

Tallaabadan ayaa u muuqato mid loo qaaday ilaalinta hantida dowladda si aysan u imaan wax is daba marin iyo masuq-maasuq ka hor inta uusan Madaxweynaha la wareegin Xafiiska, sidoo kale waxaa la hakiyay in Hay’adaha DFS ay akoonno gaar ah ka sameystaan Shirkadaha xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka, inta lagu guda jiro is-bedelka Xafiisyada Dowladda, wuxuuna Amarkaasi shaqayn doona illaa iyo laga soo saaro amar dambe, maadaama Dalka uu ku jiro wakhti kala guur ah, taasoo lagu micneeyay in uu ahaa mid lagu xoojinayo hanaanka ay Dowlada Madaxweyne Farmaajo ku xakameynayso Hantida ku harsan Koontooyinka.

Tallaabada kale ayaa ahayd kadib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Xaalad Deg Deg ah galiyay dalka Soomaaliya kadib markii uu xilalkii ka qaaday Taliyayaashii Ciidamada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isagoo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in is-bedal la galiyay dalka Soomaaliya, islamarkaasina Xaalad deg deg ah uu ku soo rogay.

Madaxweyne Farmaajo oo labisan dharka Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in is-bedalkaan uu noqonayo mid guul u horseedi doono shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri“waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan taliyayaasha cusub ee la magcaabay, waxaana farayaa dhammaan ciidammada Qalabka Sida in ay heegan buuxa galaan, si ay uga jawaabaan ficillada cadowga ugana saaraan dalka oo dhan”isagoo dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu u qabtay muddo 60 Cisho ah in ay isku soo dhiibaan Al-Shabaab, dowladana ay cafis u fidin doonto.

Tallaabada kale oo ah mid aan hore loo arkin ayaa ah, kadib markii Maxadweynaha iyo Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xubnaha Golaha Wasiirada ku amreen in Xubin kasta ay soo gudbiso xisaab maaliyadeedkooda u gaarka ah, taasi oo loola jeedo in lagu ilaaliyo hantida Qaranka, islmarkaana looga hortago wax is-daba-marin, waxaa kaloo jira la xisaabtan shaqaalaha Dawladda oo la sheegay in badi aysan soo xaadirin goobaha shaqada.

Haddaba maadaama uu yahay habkaani is-bedel aan hore loogu arag masraxa siyaasadda Dalka Soomaaliya, ayaa loo bahan yahay in si weyn loo taageero, gacan waynna lagu siiyo Madaxweynaha, Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada oo ay u bilaabatay Boqolkooda Maalmood ee qorshe-howeleedkooda, sidaasi awgeed ayaan dhihi karnaa waa is-bedel aan hore loo arag!.

W.Qorey:- C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY