Qaban qaabada shirka Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada Dalka oo laga dareemaya...

Qaban qaabada shirka Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada Dalka oo laga dareemaya Muqdisho

1385
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa Saacadihii aynu kasoo gudubnay soo gaaray Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya, si’ ay ugu qaybgalaan kulan la filayo inuu Berrito ka dhaco Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada Dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii Ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo inuu dhawaan ka dhaco Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Britain ayaa safka hore kaga jirta waddamada sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, waxanay Gacan weyn ka geysataa taageerada dhaqaale iyo tan Ciidan ee Dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer Magaalada London ku qabatay shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY