Koob lagu maamuusayay Allaha u naxariisto garsoore Cabdi Cabdullaahi oo lagu qabtay...

Koob lagu maamuusayay Allaha u naxariisto garsoore Cabdi Cabdullaahi oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)

1360
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) :- Koobkan oo lagu xusayay Allaha u naxariistee garsoore Cabdi Cabdullaahi, ayaa waxaa lagu qabtay garoonka isaga loogu magacdarray ee ku yaallo degmada Kaaraan.

Ciyaarta ayaa u dhaxeysay dhallinyarada cuslaatay ee degmada Kaaraan iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha Soomaaliyeed, labbadaba saaxiibo dhow ayey ahaayeen iyo shaqo wadaag.

Dhallinyarada cuslaatay ee degmada Kaaraan, waxaa ka dhexmuuqday xiddigihii hore ee naadiyada dalka sida Cabdicasiis Gureey, Cali Weeha, Cabdicasiis Dhiigga iyo qaar kale oo badan.

Kooxda garsoorayaasha iyana waxaa laga xusi karaa Xasan Aadan Xaaji Yabarroow Wiish, Suleymaan Sheekh Bashiir, Axmed Faarax Baroodo iyo kuwo kale.

Kullanka ayaa xilligii loogu talagalay waxa uu kusoo dhammaaday 4-0 oo dhallinyarada cuslaatay ee Kaaraan ay kaga badiyeen kooxdii garsoorayaasha, ugu dambeyn goobta ayaa lagu guddoonsiiyay koobkii lagu maamuusayay Allaha u naxariisto garsoore Cabdi Cabdullaahi.

Sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay maamulka degmada Kaaraan, sida guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda Cabdiqaadir Cigalle iyo guddoomiyaha dhallinyarda Cabdiraxmaan Xoog-yare.

Marxuum Cabdi Cabdullaahi ayaa dhowr sanno ka hor waxa ay kooxo hubeysan ku dileen isagoo marayay agagaarka Iskuul Godeey ee ku yaallo degmada Kaaraan.

                              DAAWO SAWIRRADA 

LEAVE A REPLY