QM oo shaacisay Dadkii ugu badnaa ee u dhinta Shuban iyo Daacuun...

QM oo shaacisay Dadkii ugu badnaa ee u dhinta Shuban iyo Daacuun gudaha Soomaaliya

864
0
SHARE

GENEVA-(SONNA)-Jimciyadda Quruumaha ka dhxeysa ayaa sheegtay in tan iyo markii ay Abaaraha ka billoowdeen qaybo ka mid ah Soomaaliya ay cudurrada Daacuunka iyo Shuban Biyoodka u dhinteen 500 Qof, halka Kumanaan kalena ay la Il-daran yihiin.

Qaramada Midoobay Laanteeda Caafimaadka ayaa walaac ka muujisay nolosha 25,000 oo haatan la liita xanuunno, waxanay intaa ku dartay inay xaaladda kasii dari karto tan iyo dabayaaqada Bisha June ee soo socota.

WHO ayaa dhankeeda ku sheegtay tan iyo billoowgii Sanadkan inay Dadka u geeriyooday Daacuunka iyo Shubanku gaarayaan 524, halka hay’adda Bini’aaddannimada ee QM (UN-OCHA) ay ku tilmaantay iney dhimmashadu gaareyso, 533 oo Qof.

Xigasho/Daily Nation

LEAVE A REPLY