DEG DEG: Cabdicasiis Hoomeey oo ka tagay kooxda Dekadda

DEG DEG: Cabdicasiis Hoomeey oo ka tagay kooxda Dekadda

809
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) :- Wararkii ugu dambeeyay ka imaanayo naadiga Dekadda ayaa sheegayo xiddiga Cabdicasiis Maxamed Cali Hoomeey inuu soo gabogabeeyay waayihiisii ciyaareed ee kooxdaasi.

Hoomeey, ayaa xirfadiisa ciyaareed waxa uu kusoo bilaabbay naadiga Dekadda, markii uu ka tagay waxa uu u soo dheellay kooxaha Elman iyo Saxafi, dib ayuuna ugu soo laabtay Dekaddaha uu goostay inuu markale uu ka dhaqaaqo.

“Waxaan soo gabogabeeyay mustaqbalkeyga ciyaareed ee kooxda Dekadda, waqti koobban oo aan la joogay, waxaan u mahadcelinayaa maamulka iyo dhammaan ciyaartooyda kooxda.” Cabdicasiis Maxamed Cali ‘Hoomeey’ oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sidaasi ku warramay.

Cabdicasiis, ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu orodka badnaa horyaalka Soomaaliya, waana sababta ay ugu baxday Hoomeey.

LEAVE A REPLY