Dagaalyahaano Xuutiyiin ah oo lagu dilay weerar Cirka ah

Dagaalyahaano Xuutiyiin ah oo lagu dilay weerar Cirka ah

823
0
SHARE

Cadan-(SONNA)- Mileteriga dalka Yeman ayaa sheegay in waaberigii maanta weerar Cirka ah ay ku dileen18 dagaalyahaaniin hubeysan oo  isugu jiray  Xuutiyiin iyo Ciidamo Taabacsan Ali Cabdalla Saalah kadib markii weerr Cirka ah lagu qaday  saldhig ay ku sugnaayeen oo ku yaal konfurta bari ee magaalada Midi.

Xarunta Wararka u qaabilsan Mileteriga Ciidamada Yeman ayaa barta ay Faecbook-ga ku leyihiin ku soo bandhigay halka weerarkan ka dhacay iyo khasaaraha loo geystay Maleeshiyaadkaasi dagalka kula jira Ciidamada Dowladda Yeman.

Weerarkan ay Ciidamada Dowladda Yeman ku laayeen Xuutiyiinta iyo Maleeshiyaadka kale ee Taabacsan Ali Abdalla Saalah , ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii Xuutiyiintu ay Ciidamadu badan soo dhoobeen Xeebta bari ee dakaasi Yeman iyo Dekedda cusub iyagoo u diyaar garowbay dagaal.

Warku wuxuu intaa ku daray in dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Isbaheysiga uu hogaaminayo Scuudiga oo garab siinaya kuwa Madaxweynaha Yeman Abdi Rabbu Nansur Hadi iyo mucaaradka Xuutiyiinta ah  oo iyaguna garab ka helaya maaleeshiyaad taabacsan Madaxweynihii hore ee dalka Ali Abdalla Salah uu bilawday 26 bishii Marso ee Sanadkii 2015-kii.

Maaleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa la sheegay in iminka laga xoreeyay inta badan degaanada dalkaasi Yeman, waxayna haatan ay haystaan keliya magaalada Sanca.

SONNA/Mukhtaar

LEAVE A REPLY