Xulka kubbadda cagta Soomaaliya oo ka qeyb galayo koobka labbaad ee ugu...

Xulka kubbadda cagta Soomaaliya oo ka qeyb galayo koobka labbaad ee ugu weyn qaarrada Afrika “DHAGEYSO”

1337
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) :- Agaasimaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta macallin Cawil Ismaaciil Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay markii labbaad ka qeyb galeyso koobka labbaad ee ugu weyn qaarrada Afrika ee loo yaqaano “Chan-ka”.

Waxa uu xusay inay tababar wanaagsan qaateen xiddigaha matalli doonno Soomaaliya, kuwaas oo iminka ku xareysan magaalada Muqdisho, waxanna lixdii bilood ee la soo dhaafay ay si joogto ah tababar ugu qaadanayeen garoonka Jaamacadaha ee ku yaallo degmada Hodan.

“Ciyaarta ugu horreyso waxaa la ciyaari doonnaa waddanka South Sudan, waxaan kula ciyaari doonna Jamhuuriyada Jabuuti, gurigeenna ahaan ayaan halkaas ugu ciyaari doonno, isla 30-ka bishan waxaa kuwada dheelli doonnaa magaalada Jubba.” Agaasimaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta macallin Cawil Ismaaciil Maxamed, ayaa warkan u sheegay SONNA.

Waxa kale uu intaa ku daray: “Cayaarahan waa loo yaqaannaa Chan, labbadii sanno mar ayaa la qabtaa, waxaa ciyaaro ciyaartooyda dalalkooda ka ciyaaro ee aan ka ciyaarin dibaddaha, annaga sannad hore waan ka qeyb galnay iminkana waa markii labbaad oo aan ka qeyb galeyno.”

Mar wax laga weydiiyay waxa iska beddelay farsamadda kubbadda cagta Soomaaliya waxa uu yiri tababare Cawil: “ Run ahaantii waxaan is-leeyahay Soomaaliya waxa ay tallaabsatay horumar maadama aan qabbanay tartamadii dhallinyarada iyo kuwii carruurta, waxaa kale oo la aaday gobollada, waadna ogtahay wax walba waqti ayey u baahan yihiin, waxaa lagama maarmaan ah dhaqaallo, garoon iyo dadaal, waxaan abaarnay meelihii loo baahnaa, dhallinyaradaas iyo carruurtaas ayaan rabnaa mustaqbalka in qaranka ay wax kusoo kordhiyaan.”

Xulka kubbadda cagta Soomaaliya, ayaa lagu waddaa 17-ka ama 18-ka bishan inay ka dhoofaan magaalada Muqdisho, iyagoo tagi doonno waddanka Jabuuti, waxanna halkaasi ay kula ciyaari doonnaan Sudaanta Koonfureed.

FG: Halkan hoose ka dhageyso wareysiga agaasimaha farsamadda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

LEAVE A REPLY