Booliska Jarmalka oo baarrayo qaraxyadii lagu weeraray kooxda Borussia Dortmund

Booliska Jarmalka oo baarrayo qaraxyadii lagu weeraray kooxda Borussia Dortmund

550
0
SHARE

Dortmund (SONNA) :- Wararka ka imaanayo Jarmaalka ayaa sheegayo ciidamadda Booliska waddankaasi inay waddaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan ciddii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Bas ay la socdeen ciyaartooyda kooxda kubbadda cagta Borussia Dortmund.

Seddex bomb, ayaa lagu tuuray bas-ka kooxda, waxaanna la weeraray xilli ay ku sii jeeddeen garoonka Signal Iduna Park oo ay ka dhici laheyd ciyaar Champions League, waxaanna ay la ballansanaayeen naadiga Monaco.

Waxaa dhaawacmay daaficii kooxda Dortmund Marc Bartra, kaas oo la dhiggay isbitaalka waxanna qalliin looga sameeyay gacanta, iyadoo laga saaray firir.

Booliska ayaa xaqiijiyay inay ku raad joogaan ciddii ka dambeysay weerarkaasi, illaa hadda lama garan dadkii fulliyay.

Bishii December ee sannadkii 2016, ayaa la weeraray suuq ku yaallo magaalada Berlin, tani waxa ay noqoneysaa dhacdadii ugu horreysay ee sannadkan 2017 ka dhacdo Jarmalka.

Kullankii Champions League ee xalay baaqday ayaa caawa dib loo ciyaari doonnaa Dortmund iyo Monaco ayaa iska hor imaan doonno 19:45 ee caawa fiidkii waqtiga Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY