Al-Manama-12-2017(SONNA)- Madaxweynaha Sudan Cumar Hassan Al-bashir ayaa la filayaa inuu Maanta oo Arbaco ah uu booqdo dalka Bahreyn oo ka mid ah lixda dal ee Carabta kuna ku bahoobay Isbaheysiga Khaliijka.
Sida ay maanta qortay Wakaladda Wararka ee Iina,waxa ay booqashada Madaxaweyne Ab-bashiir la xiriirtaa martiqaad rasmi ah uu ka helay dhigiiska dalka Bahreyn Xamad Binu Ciisa Al-khaliifa.
Warku wuxuu intaa ku darayay in labada hogaamiye ay ka wada hadli doonaan horumarinta Cilaaqaadka labada dal iyo xiisadaha mandiqada Carbeed iyo guud ahaan tan Caalamka.
Sida laga warqabo Madaxaweynaha Sudan Cumar Hassanj Al-bashiir, ayaa waxaa weli raadinaysa Maxkamadda Caalamiga ee Daniyada kadib markii lagu eedeeyay in uu dalkiisa ka galay Xadgudyo dagaal,waxayna amartay in la soo qabto.
SONNA\Mukhtaar