Faallo: Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabbaaldegay xuska sanadguurada 57-aad.

Faallo: Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabbaaldegay xuska sanadguurada 57-aad.

819
0
SHARE

Umad kasta oo kamid ah bulshada ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin  munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah  oo lagu soo bandhigo taariikjda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta  ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taasoo muujineysa in shacbiga iyo Dowladda ay mar kasta xusuus gaar ah u hayaan maalmaha qiimaha leh ee ku weyn dadka iyo Dalka.

Sanadki 1960-kii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidamada xoogga dalka,oo xilligaasi loo arkayey iney lagama maarmaan u yihiin ilaalinta qaran curdun ah oo ku soo biiray beesha caalamka.

Dhismaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo ahaa dadaal miro-dhal ah oo ay ka soo shaqeeyeen Siyaasiyiin,Culuma’udiin Aqoonyahan iyo dadweyne kale waxaa lagu guuleystay in muddo gaban ka dib la helo ciidamo awood leh o suurtogaliyay iney la wareegaan adeegyada  la xiriira dhinaca ilaalinta iyo difaaca dadka iyo dalka.

Awoodda  dheeraadka ah  ee ay la soo baxeen ciidamada  xoogga dalka Soomaaliya,waxaa la oran karaa waxa ay gaartay heer ay  soo jiiteen indhaha beesha caalamka, gaar ahaan dalalka Afrika, kuwa Carabta iyo Caalamka kale kadib markii dalalka daneeya Soomaaliya sida Raashiy,Masar ,Ciraaq ,Talyaaniga iyo  kuwo kale  ay ka qayb galeen diyaarinta iyo qalabeynta ciidamo tayo teh oo lagu halleyn karo  guud ahaan ammaanka gobolka kan Afroka iyo dalka Soomaaliya.

Waxaa markhaati ma doonto ah in sanadadii 1964-tii iyo 1977-dii Ciidamada xoogga dalka ay soo hooyeen guullo taariikhi ah kadib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,tallaabadaasina waxa ay abuurtay in caalamku ay noo arkaan dad geesiyaal ah.

Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka ee ay horseedka ka ahaayeen qaar kamid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn weyn ku yeeshay ciidamada xoogga,haddana dhowr iyo tobankii  sano ee u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagkordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Ciidamada xoogga dalka  waxa ay 12-ka April  u dabbaal-degayaan  xuska sanad guurada 57-aad ee ka soo wareegatay asaaskii ciidamada xoogga oo lagu tilmaamo in ay gacan weyn ku lahaayeen  Xoriyadda qiimaha leh ee aan harsaneyno iyo gaaritaanka  biseylka siyaasadeen ee ka muuqda bulshada Soomaaliyeed waxaana dhab ah ah in Umad kasta horumarkeeda  uu ku xiran yahay hadba  qaabka ay u kobciyaan dhismaha ciidamo leh tiro iyo cudud baahsan oo lagama maarmaan u ah aasaaska dal jira.

Madaxwenaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo,oo ka hadlay xafladaha loo sameeyay xuska 12-ka Apryl ee ciidamada xoogga ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska 12-ka April ee ku began sanadguurada 57-aad aawadeed u iray dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda iyo dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada xoogga dalka meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu ku ammaanay ciidamada dadaalka ay ugu jiraan soo celinta amniga iyo doorka ay ka qaateen horumarka bulshada isagoo ballanqaaday in loo howlgalayo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab militery oo ay ku hawl galaan iyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Mudane Farmaajo ayaa ku baaqay in ciidamada xoogga dalka ay laba jibaaraan howlaha gurmadka ah ee ay u hayaan umadda,gaar ahaan soo celinta nabadgelyada dalka,wuxuuna u rajeeyay ciidamada xoogga dalka in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Xuska sanadguurada 57-aad ayaa ku soo beegmaya  xilli Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaallo dhan ka ah  kooxda Al-shabaab oo la doonayo in lagu soo afjaro falalka iyo qaraxyada kale ee ay ka wadaan gudaha dalkawaxaana sidoo kale isbahwysiga uu horkacayo Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya ay iyaguna shaaca ka qaaday in ay bilaabayaan duqeymo iyo weerarro lagu bartilmaameedsanaayo goobaha kooxdaasi ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

 

 

LEAVE A REPLY