Mareykanka, Canada iyo Mexico oo doonnayo martigelinta koobka adduunka

Mareykanka, Canada iyo Mexico oo doonnayo martigelinta koobka adduunka

577
0
SHARE

New York (SONNA) :-  Waddamada Mareykanka, Canada iyo Mexico, ayaa ku dhawaaqay inay doonnayaan martigelinta caayaraha koobka adduunka ee 2026-ka.

Tirada koobka kooxaha adduunka horay uga qeyb qaadan jirtay ayaa waxa ay aheyd 32 xul, kaddib go’aan kasoo baxay guddiga fullinta ee FIFA, ayaa waxaa laga dhiggay 48 xul.

Labbada koob adduun ee la kala qaban doonno 2018 iyo 2022, waxaa qaatay qaarradaha Yurub iyo Asia, waxaanna lagu kala qaban doonnaa dalalka Russia iyo Qatar.

Waddamada hoostagga xiriirka CONCACAF, ayaa shir ay qabteen Isniintii shalay waxa ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin martigelinta dhacda ugu weyn cayaaraha kubbadda cagta dunida.

“Mareykanka, Mexico iyo Canada, si dal dal ah ayey doonnayaan inay u martigeliyaan cayaarahan, sida aad la socotaan waa dhacdo weyn, xitaa si wadajir ah ayaan u qaban karnaa.” Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Mareykanka Sunil Gulati, ayaa warkan u sheegay wariyayaasha.

Waxaa go’aan laga gaari doonnaa waddanka martigalinayo dhacda koobka adduunka 2020-ka.

LEAVE A REPLY