Lampard waxaan iska diiday kooxo waa weeyn

Lampard waxaan iska diiday kooxo waa weeyn

474
0
SHARE
during the Barclays Premier League match between Chelsea and Liverpool at Stamford Bridge on October 31, 2015 in London, England.

England (SONNA):-Xiddigii hore ee kooxda Chelsea Frank Lampard, ayaa sheegay inay helitaankiisa ku raad joogeen kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Inter Milan ee ka mid ah kooxaha ugu waa weeyn qaarrada Yurub.

Halyeeygan ayaa Chelsea ka tirsanaa 13-sanno ah, waxanna uu dhalliyay 211 gool tartamadda oo dhan muddadii uu kooxdaasi ka tirsan.

Laacibka heerka caalami ee reer England ayaa helitaankiisa waxaa dadaal ku bixiyay naadiyo dhowr ah, waqtigiisa ugu badan waxa uu ku qaatay Galbeedka London oo ay ka dhisan tahay Chelsea.

“Waxaa aad ii raadinayay kooxaha ugu waa weeyn Spain. sida Barcelona iyo Real Madrid, waxaa kale oo ila soo xiriirtay Inter Milan, laakiin waxaan ku farraxsanaa kooxdii aan joogay.” Lampard ayaa warkan u sheegay Sky Sports News.

Lampard, ayaa waayihiisa ciyaareed waxa uu kusoo gabogabeeyay New York City FC.

LEAVE A REPLY