Mourinho oo go’aamiyay inuu dib ula middoobo Ozil

Mourinho oo go’aamiyay inuu dib ula middoobo Ozil

691
0
SHARE

England (SONNA):- Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho, ayaa lasoo sheegayaa inuu lasoo saxiixanayo xiddiga Mesut Ozil, oo ay macquul tahay dhammaadka xagaagan inuu kooxda ka tago.

Laacibka heerka caalami ee reer Jarmal, ayaa horay u diiday inuu heshiis cusub siiyo kooxda, waxanna wararka qaar ay sheegayeen inuu doonnayo sidii uu kooxda kaga tagi lahaa.

Sida lagu qoray bogga The Mirror, Mourinho ayaa rabbo inuu markale dib ula midoobo xiddigii ay Real Madrid kasoo waddo-shaqeeyeen ee Ozil, iyadoo qandaraaska uu ku joogo garoonka Emirates ay ka harsan tahay 14-bilood.

Arsenal, ayaa Ozil waxa ay kasoo iibsatay naadiga Real Madrid, waxanna ay kusoo qaadatay adduun dhan 42.5 milyan oo ginni.

LEAVE A REPLY