Xasan Wiish: “Maanta waxa ay ku beeggan tahay maalintii ay geeriyoodeen halyeeyaddii...

Xasan Wiish: “Maanta waxa ay ku beeggan tahay maalintii ay geeriyoodeen halyeeyaddii cayaaraha Soomaaliya.” DHAGEYSO

1000
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) :- Guddoomiyaha cayaaraha maamulka Gobalka Banaadir ahna xubin ka tirsan guddiga fullinta Olympic-da Soomaaliyeed Xasan Aadan Xaaji Wiish, ayaa sheegay maanta oo kale shan sanno ka hore inay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay Tiyaatarka qaranka Aadan Xaaji Yabarroow Wiish iyo Saciid Maxamed Nuur Mugaabe, oo kala ahaa guddoomiyihii Olympic-da iyo guddoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Waxa kale uu sheegay Wiish inay galabta jiri doonto ciyaar lagu maamuusayo masuuliyiintaas geeriyootay.

“Maanta waxa ay u tahay bahda cayaaraha maalin madoow, waxaa naga baxay Aadan Xaaji Yabarroow Wiish, Saciid Maxamed Nuur Mugaabe, Mowliid Macaane iyo Xasan Elman, waxaan koob dhex dhignay si loo xasuusto gabdhaha degmooyinka Warta-nabadda iyo Xamarweyne.” Xasan Wiish, ayaa warkan u sheegay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

4-tii April sannadkii 2012, ayey aheyd markii masuuliyiintan ay naftoodda ku waayeen qarax ka dhacay Tiyaatarka qaranka, iyadoo lagu guda jiray sannad-guuradda Telefishinka qaranka Soomaaliyeed.

FG: Halkan hoose ka dhageyso wareysiga guddoomiye Xasan Wiish.

LEAVE A REPLY