FAALLO: Bixinta Canshuuraha waa aas-aaska rukumada arrimaha Bulshada

FAALLO: Bixinta Canshuuraha waa aas-aaska rukumada arrimaha Bulshada

733
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Haddeynu ka hadalno dhanka Waxbarashada waxaa haboon si loo horumariyo inay ganacsatada iyo shacbkuba ay ku dadaalaan bixinta Canshuurta, si dhallaankoodu uu u helo Waxbarasho lacag la’aan ah, islmarkaana tayo leh, laakiin haddii aan la helin canshuur lagu horumarinayo waxaa adkaaneysa inaysan Dawladdu awoodin in ay bixiso Waxbarasho bilaash ah, si Dadka danyarta ah dhallaankoda looga daboolo dhanka Waxbarashada iyo ka bixitaanka Jahliga Carrurta oo in badan soo daashaday.

Waxaa jirta in dhallaanka Soomaaliyeed ay in yar ka hesho Waxbarasho aan saasi u sii tay weyneyn Manhajkeeduna uu ku salaysan yahay barashada wadamo shisheeye iyo dhaqanadooda, Juqraafigooda iyo Taarikhdooda, taasina saldhig Waxbarasho uma noqoneyso dhallaanka, balse waxay in yar dhaantaa inay waxba ka jirin Dalka.

Haddaba si aan uga baxno ku tiirsinaanta Manhajyada ku saleysan kuwa shisheeye, waxaa loo baahan yahay in ganacsatada iyo shacabkuba ay bixyaan Canshuuraha lagu daboolayo baahiyada dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo helitaanka Biyo nadiif ah, Dawladduna waxay ogoshahay in shacabka iyo ganacsatadu kula xisaabtamaan Canshuuraha ay bixiyaan halka ay Dawladdu ku bixisay iyo waxyaabaha ay ugu qabatay shacabkeeda oo ay ugu horreeyaan Amniga, Caafimaad lacag la’aan ah iyo Waxbarsho bilaash ah iyo helitaan Biyo nadiif ah.

Dawlad waliba waxay Amnigeeda ku xaqiijisa canshuurta ay ka qaado dadkeeda, islmarkaana lagu hagaajiyaa adeegyada lagamaamaarmaanka u ah Bulshada sida dhisidda Waddooyinka, tayaynta Waxbarashada, helitaan daryeel caafimaad oo bilaa lacag la’aan ah, intaasi oo dhan waxaa ay Dawladdu ku fulim kartaa marka ay si haboon u soo aruuriso, islmarkaana ay Dadweynuhu si wanaagsan u bixiyaan Canshuurta ku waajibtay, looguna badalo fulinta aarrimahaasi.

Haddaba Muwaadin waxaa lagaaga fadhiyaa inaad bixiso canshuurta kugu waajibtay, si loogu qabto adeegyada aad u baahan tahay sida daryeel Caafimaad, amni aad ku naalooto, waxbasho tayo leh, dhisid Waddooyin aad u bilicsan iyo kuwa kale, sidaasi awgeed waxaan dhihi karaa Bixinta Canshuuraha waa aas-aaska rukumada arrimaha Bulshada.

W.Q. Jeylaani Juujuule.

LEAVE A REPLY