Macallinkii kooxda Gaadiidka oo is-casilay

Macallinkii kooxda Gaadiidka oo is-casilay

815
0
SHARE

(SONNA) :-  Edward Karanja, oo u dhashay dalka Kenya ayaa ka mid ah tababarayaasha ajaanibta ee u soo shaqo doontay horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya, waxanna uu hoggaaminayay kooxda Gaadiidka.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta naadiga Gaadiidka, ayaa xaqiijiyay is-casilaada macallin Edward Karanja, waxanna arrinta ay timid iyadoo qandaraaskiisa uu ka harsanaa dhowr bilood.

Gaadiidka waxaa si kumeel gaar ah u sii hoggaamin doonno tababare ku xigeenka naadiga macallin Cabdiraxmaan Taree.

Tababaraha shaqadda ka tagay ayaa kooxda Gaadiidka hoggaaminayay labbadii sanno ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY