Natiijooyinka cayaaraha horyaalka Soomaaliya

Natiijooyinka cayaaraha horyaalka Soomaaliya

897
0
SHARE

(SONNA) :-  Kooxda Elman ayaa dhiggeeda Waxool waxa ay kula ciyaarta garoonka Banaadir ee magaaladda Muqdisho, kullankan ayaa ka mid ahaa cayaaraha horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya.

Elman, ayaa billoowday bandhigga goollasha waxaanna u dhaliyay Nyanzi Ronaldo, oo u dhashay waddanka Uganda, sidaas ayey ciyaarta ku noqotay 1-0, qaabkaas ayey kusoo dhammaatay qeybta hore.

Qeybta labbaad ee kullanka koox walba waxa ay sameysan fursado aan shabbaqa ku dhammaan, waxanna ugu dambeyn rigoore heshay naadiga Elman markale waxaa uga faa’ideeyay Nyanzi Ronaldo, ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay waxa ay kusoo dhammaatay 2-0 oo ay ku adkaatay Elman.

Dhanka kale Horseed iyo Gaadiidka ayaa kuwada ciyaaray garoonka Jaamacaddaha ee degmada Hodan, Horseed ayaa gool la horumartay waxanna u dhalliyay Cadaani Barre Ciise, qeybta hore ayaa kusoo dhammaatay goolkaas ay ciyaarta ku horkacayeen wiilasha Horseed.

Gaadiidka, ayaa sameysay dhowr isku day, Cabdinaasir Gurxan ayaa caawiye ka noqday goolka barbaraha uu dhalliyay Salengo, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-1.

Horseed ayaa dhammaadka kullanka waxa ay heshay gool, kaas oo ay kaga mahadcelineyso Nuur Cabdi Xasan, kullanka ayaa kusoo dhammaaday 2-1 oo ay libinta ku heshay Horseed.

LEAVE A REPLY