Eennoow: “30-sano kaddib ayaan qabannay cayaaraha degmooyinka ee K/Gacanta” DHAGEYSO.

Eennoow: “30-sano kaddib ayaan qabannay cayaaraha degmooyinka ee K/Gacanta” DHAGEYSO.

820
0
SHARE

(SONNA) :-  Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eennoow, oo la hadlayay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee ‘SONNA’ ayaa waxaa uu sheegay inay muhiimad gaar ah leeyihiin cayaaraha degmooyinka ee hadda socda.

Tartankan waxaa soo abaabulay maamulka cayaaraha ee gobalka Banaadir, kuwaas oo u qaabtay qaar ka mid degmooyinka gobalka, waxanna cayaaraha ay si xiiso leh uga socdaan garoonka Wiish ee ku yaallo degmada C/Casiis.

“30-sanno ka hor ayaa ugu dambeysay in la qabto tartan noocan ah, kani waxa uu noqonayaa mid qabbashadiisa ay timid muddo kaddib, waxanna galab walba ay ciyaaraha si xiiso leh uga socdaan garoonka Wiish.” Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eennoow, ayaa warkan u sheegay  wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Waxa kale uu intaa ku daray guddoomiye Eennoow: “Waxaa kasoo qeyb galo taageeroyaal aad u fara badan oo ka yimaaddo degmooyinka gobalka Banaadir, waxanna ay sameyn ku leeyihiin cayaaraha.”

12 degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir, ayaa ka qeyb galeyso cayaaraha kubbadda gacanta.

FG: Halkan hoose ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eennoow.

LEAVE A REPLY