FAALLO:Golaha Wasiirrada Maanta ma la ansaxin doonaa?

FAALLO:Golaha Wasiirrada Maanta ma la ansaxin doonaa?

763
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Inta aanan u gudagalin dulucda qoraalka aan xogaa dib u jaleecno Dawladihii Dalka Soomaaliya soo maray laga soo bilaabo sanadkii 2000 ilaa iyo 2017-ka, aan ku biaalbo Dawladdii ugu horreeysay ee Bur burkii dalka kadib lagu soo dhisay Dalka Jabuuti Magaalada Carta, taasoo lagu doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan oo aheyd mid ku meel gaar ah, Dadweynuhuna aad ayay u soo dhaweeyeen, balse waxay Guddoomye Kooxeedyadii markaasi Dalka ka jiray ku go’doomiyeen Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan oo xitaa waxaa loo diiday inay Dawladdu ku shaqeyso Xaruunta Madaxtooyada, sidaasina ayay ku aakhirsatay.

Dawladdii Embigaatti ee Dalka Kenya oo lagu doortay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xigtay, iyana waxay la kulantay dagaalo kaga imanayay Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo badi ka ariminayay Bartamaha iyo Koonfurta Dalka, waxaana Dalka soo galay Ciidamo ka socda Gobolka Geeska Afrika oo ay u horreyso Dawladda Itoobiya,waxaase u sii dheeraa is qaq-qabsi u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Raii-sulwasaarayaashiisii, waxayna xilligeedu dhamaaday iyadoo aan wax badan qaban, waxaa xigay Dawladdii iyana lagu soo doortay Magaalada Jabuuti, kaasoo loo doortay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo markaasi ka hor ahaa Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga ahaa.

Dawladdaasi Shiikh Shariif aad ayaa loogu han waynaa, waayoo waxaa la is lahaa dagaalka ka dhanka ah Dawladda waa uu dhammaan doonaa, maadaama Ninkii hoggaaminayay Maxkamadaha uu haatan noqday Madaxweynaha Dalka Soomaaliya, balse waxaa kala jabay Midowgii Maxkamadaha, waxaana ka sii farcamay Urur Mintid ah oo la baxay Al-Shabaab, marka isna is- qab-qabsi iyo dagaalo ayuu ku aakhirsaday, waxaase laga xusi karaa waxqabadkeeda in lagu doortay Magaalada Muqdisho maalin cad Guddoomuyihii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, islmarkaana laga gudbay KMG-nimadii, inkastoo ay Dawladdaasi wax badan qabatay, hadana waxaa badnaa is-qabqabsiga, mana fulin waxyaabihii loo idmaday oo ay ka mid aheyd qabsoomidda doorasho qof iyo cod 2016, balse sababo macquul ah oo jira ayay arrintaasi u qabsoomi weyday.

8-dii Bishii Febraayo ee sanadkan ayay Xildhibaanada labada Aqal waxay doorteen Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, waa la ogaa sida loo soo dhaweeyay oo ku dheeraanmaayo, isna waxa uu magacaabay Rasiisul-wasaare Xasan Cali Kheyre, waxayna Dadweynuhu u qaateen inuu dhacayo isbedel ka duwan kuwii la arki jiray maadaama inta taageertay ay u badnaayeen inta Bulshada ugu taakta daran, Xildhibaanaduina cod aqlabiyad ah ayay ugu codeyeen Raiisul-wasaaraha cusub Mudane Xasan Cali Kheyre, isna waxa uu magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirada.

Haddaba aan u soo laabto dulucda qormada oo ah kalsooni siinta Xukuumadda uu 21-kii bishan soo dhisay Raiisu-wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta la horgeeyo Mudanayaasha Labada Aqal ee Baaralamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maxaase laga filaayaa in aarintaasi ku dhammaato? ma la ansaxni doonaa mise way diidi doonaan?

Jawaabta su’aashaasi ayaa u badan in Mudanayaashu ay meelmarin doonaan Xukuumadda uu soo dhisay Raiisul-wasaare Xasan Kheyre, waayo ifafaalaha soo baxaya ayaa tilmaamaya in ay gudbi doonto Baarlamaanka Golaha Wasiirada ee cusub, taasoo loo aaneynayao dadaalo badan oo ay sameeyeen Madaxweyne Farmaajo, Raiisul-wasaare Kheyre, qaar ka mid Golahiisa Wasiirada, Odoyaasha Dhaqan, Culumaaudiinka iyo Dadweynahaba, kuwaasi oo Mudanayaasha ka gows adeegay cadaadis ku saaray inay aqbalaan Xukuumadda cusub, haddaba waxaan leeyahay ha loo codeeyo Xukuumadda kama xuma kuwii horee, maadama lagu jirto xaalad xun oo la wada ogsoon yahay in Dalka ay ka jiraan Abaaro baahsan.

W.Q:- C/lahi Ruush

LEAVE A REPLY