Dekadda oo kasoo muuqatay hoggaanka horyaalka Soomaaliya

Dekadda oo kasoo muuqatay hoggaanka horyaalka Soomaaliya

759
0
SHARE

(SONNA) :-

Kooxda Dekadda, ayaa ciyaartii ay kula qaadatay dhiggeeda Jeenyo garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dhammaatay 4-0 oo ay seddexda dhibic ay ku heshay naadiga Dekadda.

Goollasha waxaa kala dhalliyay labbo gool oo Zakariye Towfiiq, Idiris Amiin Cali iyo Cabdikariim Maxamed Cabdalla Qubaaye.

Guushan ay gaartay waxa ay uga dhiggan tahay inay iminka leedahay 25 dhibcood, iyadoo labbo dhibic oo nadiif ah ku hoggaamineyso horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya.

Dhanka kale kooxda Banaadir Sports Club, ayaa guuldarro 1-0 ah waxa ay kala kulantay naadiga Heegan.

Hoggaamiyaha kooxda Heegan Jabriil Xasan Fariid  oo sii wata bandhiggiisa goollasha, isaga ayaa dhalliyay goolka ay kaga badisay kooxdii la ciyaareysay ee Banaadir.

Banaadir, ayaa lagala baxay booska sarre ee horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya, waxanna iminka ay labbo dhibcood ka hooseysaa Dekadda.

LEAVE A REPLY