Juventus iyo Napoli oo isku heysto laacib ka dheello horyaalka Ingiriiska

Juventus iyo Napoli oo isku heysto laacib ka dheello horyaalka Ingiriiska

438
0
SHARE

(SONNA) : –

Naadiyada ka dhisan Talyaaniga ee kala ah Juventus iyo Napoli, ayaa isku diyaarinayo saxiixa ciyaartooyga khadka dhexe ee kooxda Southampton Dusan Tadic, oo xagaagan ay macquul tahay inuu ka tago St Mary.

28-sanoo jirkaan ayaa xiiseynayo ka mid noqoshada kooxo kale, kaddib markii uu kursiga keydka ka galay safka macallin Claude Puel.

Wargeyska Daily Star, ayaa qoray kooxaha Serie A ee Juventus iyo Napoli inay doonnayaan laacibka Dusan Tadic.

Waxa kale oo la rumeysan yahay inay qorshihiisa ku jirto kooxda Arsenal oo ku raadineyso qiimo dhan 13 milyan oo ginni.

Tadic, ayaa Saints waxa uu yimid sannadkii 2014, xagaagan waxaa loo diiwaan geliyay seddex iyo afar caawin ah.

LEAVE A REPLY