Calderon: “Hazard isagaa doorran karo Real”

Calderon: “Hazard isagaa doorran karo Real”

405
0
SHARE

(SONNA) :-  Madaxweynihii hore ee kooxda kubbadda cagta Real Madrid Ramon Calderon, ayaa sheegay inaysan sahal in la helo Eden Hazard, balse ay macquul tahay inuu ka mid noqoshadda kooxda uu doorto.

Real Madrid, ayaa aad loola xiriirinayaa xiddiga heerka caalami Hazard, kaas oo 11 gool u dhalliyay kooxdiisa 26 kullan uu u saftay xilli ciyaareedkan, waxanna uu Blues-ka ka caawiyay inay meesha ugu sarreyso ka gaaraan horyaalka Ingiriiska.

“Chelsea ma iibin doonto, mana ahan sahal arrintan, laakiin badanaa xiddiga isaga ayaa koox doorto, haddii uu doonnayo inuu tago ma lahan cid celin karto, waxa uu dhihi karaa ‘Aniga waan tagayaa waxanna ku biirayaa Real Madrid’ waqti xaadirkan midda suuragalka ah waa taas.” Calderon, ayaa sidaasi u sheegay talkSPORT.

Hazard oo 26-sanno jir ah ayaa Chelsea u dhalliyay 66 gool, kaddib markii uu kasoo muuqday 237 ciyaarood, tan iyo markii uu kasoo tagay Lillie sannadkii 2012.

LEAVE A REPLY