Macallinkii xulka Netherlands Danny Blind oo la buriyay

Macallinkii xulka Netherlands Danny Blind oo la buriyay

591
0
SHARE

(SONNA) :- Waxaa lasoo sheegayaa in la ceyriyay tababare Danny Blind, kaddib markii 2-0 guuldarro ah ay kasoo gaartay Bulgaria, isreebreebka koobka adduunka 2018-ka.

Hoggaamiyihii hore ee Ajax, ayaa bandhig fiican sameyn waayay cayaarihii uu Holland hormuudka ka ahaa, waana sababta keentay in shaqadda qaranka laga diro.

“Annaga xushmad ayaan u heynaa Danny, waxaa uu hoggaamiyay qaranka Holland, laakiin shaqadda ayuu u guddan  waayay sidii la rabbay.” Jean Paul Decossaux, oo ah agaasimaha ciyaaraha Holland ayaa sidan ku warramay.

Tababaraha 21-jirada Fred Grim, ayaa loo idmaday inuu shaqadda kooxda sii waddo.

LEAVE A REPLY