Manchester City oo lacago badan duldhigtay Danny Rose

Manchester City oo lacago badan duldhigtay Danny Rose

677
0
SHARE

(SONNA) :-  Kooxda Manchester City, ayaa lasoo warinayaa inay isku diyaarineyso soo xerogelinta daafaca midig ee Tottenham Danny Rose, kaas oo ay xagaagan ku doonneyso adduun dhan 50 milyan oo ginni.

Macallinka muwaadiniinta Pep Guardiola, ayaa ku jahwareeray xilli ciyaareedka adeegsiga xiddigaha kala ah Geal Clichy, Bacary Sagna iyo Vincent Kompany.

Sida uu qoray wargeyska The Mirror, Guardiola ayaa bartilmaameedsanayo 26-sanno jirka reer England, waxanna uu doonnayaa inuu keeno garoonka Etihad.

Rose, ayaa Spurs-ka waxa uu ka mid noqday markii uu kasoo tagay Leeds United sannadkii 2007. waxanna uu u saftay horyaalka Ingiriiska 108 ciyaarood.

LEAVE A REPLY