Real Madrid oo biloowday wada-xaajoodka Hazard

Real Madrid oo biloowday wada-xaajoodka Hazard

523
0
SHARE

(SONNA) :-  Naadiga Real Madrid ee ka dhisan waddanka Spain, ayaa biloowday wadahaddalada ay ku raadineyso weeraryahanka kooxda Chelsea Eden Hazard, kaas oo ay rabto si layaab leh inay ula soo wareeggto xagaagan.

Xiddiga reer Belgian, ayaa si wanaagsan uga dhex muuqdo safka macallin Conte, waxa uu dhalliyay 11 gool, afarna caawiye ayuu ka ahaa kaddib 26 cayaarood oo uu kooxdiisa u saftay.

Wargeyska Spain kasoo baxa ee Marca, ayaa qoray Los Blancos-ka inay heli karto Hazard, waxanna la filayaa dhammaadka xagaagan inuu aado magaalada Madrid.

Madaxweynaha kooxda cadcadka Flonrentino Perez, ayaa isku dayay 2012 helitaanka xiddiga ay iminka raadinayaan, waxaa markale inuu la isku dayo ka shaqeynayo macallin Zinedine Zidane.

Hazard, ayaa heshiiska uu Chelsea kula jiro waxa uu dhacayaa 2020-ka, dhawaanna mid kale ayey qorsheynee inay kooxda ka saxiixato.

 

LEAVE A REPLY