Barcelona oo wadahadal la furtay Coutinho

Barcelona oo wadahadal la furtay Coutinho

1265
0
SHARE

(SONNA) :- Kooxda kubbadda cagta Barcelona, ayaa qaaday tallaabadii koowaad ay kusoo xerro-gellin laheyd xiddiga Liverpool Philippe Coutinho, iyadoo iminka la furtay wadaxaajood ku saabsan sidii uu ku imaan lahaa Camp Nou.

Laacibka heerka caalami ee reer Brazil, ayaa xagaagan waxa uu dhaliyay 11 gool oo tartamadda oo dhan, waxaanna durba liiska ku darsatay Catalan.

Macallin Jurgen Klopp, waxa ugu weyn ee uu la kulmi doonno marka uu furmo suuqa kala iibsiga waa arrinta Coutinho, Barca ayaa diyaar u ah inay khadkan dhexe ay geeyso Camp Nou.

Wargeyska Sport, ee kasoo baxo guddaha Spain ayaa qoray wakiilka ciyaaryahanka Giuliano Bertolucci, inuu la bilaabay wadahadal kooxda Barca, waxanna wadahadaladda ay ku saabsan yihiin sidii Coutinho ugu wareeggi lahaa Barcelona, iibkiisa ayaa la rumeeysan yahay inay lacag badan ku bixi doonto.

Barca, ayaa tartanka ugu adag ee ku saabsan Coutinho waxa ay kala kulmi doontaa PSG.

Neymar, ayaa toddobaadkii hore waxa uu kula taliyay Barcelona inay lasoo saxiixato xiddiga ay isku dhallashada ay yihiin ee Coutinho.

LEAVE A REPLY