C/llaahi Ciise Max’uud” Horseedkii Xoriyadda Soomaaliya

C/llaahi Ciise Max’uud” Horseedkii Xoriyadda Soomaaliya

8163
0
SHARE

TAARIIKH NOLOLEEDKII HALGAME C/LLAAHI CIISE

Diiwaanka Taariikhda dal walba oo dunida ka mid ah waxaa ku xardhan sooyaalkii wadamadaasi iyo kifaaxii ay u soo galeen hanashada Madax banaanidooda,waxaa xusuus reebyadaasi ku tilmaaman muwaadiniintii naf iyo maalba u huray oo shucuubtooda ku hogaamiyay dariiqa guusha.

Shacbiga Soomaaliyeed wuxuu ka mid yahay umadaha dunida eek u tilmaan gumaysi diidka, lehna taariikh fac wayn oo gobanimadoon oo soo taxnayd qarniyaal dhowr ah.

Geesiyaasha ku daabacan quluubta  Soomalida waxaa ka mid Imaam Axmed Ibraahim Axmed Guray, Sayid Max’ed C/lle Xasan,Shiikh Bashiir, Shiikh Xasan Barsame, 13kii S.Y.L iyo  Xoghayihii guud ee Xisbiga S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud.

Sidaa darted waxaan Qormadaan aan kaga hadlaynaa Tariikh Nololeedka iyo tan kaalintii hogaamineed ee uu halgankii Gobanimo doonka ku lahaa Md: C/llaahi Ciise Max’uud, maadaama maanta ay tahay Sanadguuradiisii 29aad eek a soo wareegtay geeridiisii oo ku beegnayd 24/3/1988dii

Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose, sanadkii 1922dii, AAabbihii isaga oo yar ayuu dhintay, waxaana soo korisay hooyadiis Mareero Diini Axmed , kadin Xamar ayay u soo wareegeen, halkaas oo uu ka bilaabay dugsiga Qur’aanka iyo waxbarashadiisii H/ Dhexe.

1938-kii, C/llaahi Ciise, isaga oo jira lix iyo toban sano, ayuu dhamaystay wabarashada,dugsiga sare ee Talyaaniga wuxuuna noqday maamule xafiis.

Dhamaadkii 1943-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu ka mid noqday Golihii Dhexe ee S.Y.C.

1944-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu ka furay Magaalada B/weyne laantii ugu horreysa ee S.Y.L

15-5-1947-kii, sanad-guuradii 4-aad ee S.Y.C,waxaa loo doortay xoghayaha Guud halgame C/llaahi Ciise Maxamuud.

QORSHIHIISII SIYAASADEED

Mudane C/llaahi Ciise si halganka loo dardargaliyo waxaa uu keenay qorshe siyaasadeed (Political program) magacii hore ee SYC waxa uu u beddelay S.Y.L (Somali Youth League) waxa uu soo saaray barnaamijkiisii siyaasadeed oo ka koobnaa shan qodob oo kala ahaa.

  1. In la raadiyo gobanimadii iyo xorriyaddii shanta Soomaaliyeed oo midaysan.
  2. In lala dagaalamo dhaqanka kala qaybinta ee qabyaaladda ku dhisan
  3. In laga hortago ciddii ka hortimaada danta Soomaaliyeed.
  4. In waxbarashada lagu baahiyo dalka lana dhiso aqoonta iyo waxqabadka dhalinyarada.
  5. In la qoro afka Soomaaliga.

1947-dii bishii November halgame C/llaahi Ciise Maxamuud, waxa uu gudoomiyay fadhigii taariikhiga ahaa ee golaha dhexe ee S.Y.L ku gaareen in mudo 10 sano ah oo xornimo lagu gaarsiiyo koonfurta Soomaaliya taasi oo ay u soo bandhigeen guddigii ka kooban afartii quwadood ee markaas jiray (Four power commission) kuwaas oo dalka yimid 7-dii January 1948-kii

11-1-1948 halgame C/llaahi Ciise Maxamuud oo ku sugnaa Xarunta S.Y.L ayaa waxaa soo weeraray Xafiisyadii Xarunta S.Y.L Soomaalidii Pro- Talyaaniga ahaa,halkaas oo uu ka bilowday dagaalkii Ha Noolaato oo ay ku geeriyoodeen 52 ruux oo Talyaani ah 15 ruux oo Por-Tayaani iyo  Halgame Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako).

20-1-1948- mudane C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu qaabilay Four power commission wuxuu u gudbiyey qorshaha siyaasadeed ee S.Y.L oo ahaa in muddo 10 sano ah Soomaaliya xorriyaddeeda lagu gaarsiiyo ayna gaarsiiyaan guddi ka kooban Afartii dowladood eek u guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida ( Four Power Commission.)

31-10-1948 Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud iyo  Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay u direen Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Mr. Trygve lie warqad (memo) ah oo ay ugu sheegeen in Soomaalida inteeda badan ay doonayaan in Soomaaliya oo midaysan ay xorriyadda gaarsiiyaan afartii quwadood ee markaas jiray

SHIRKII PARIS

Gumaysigii Ingiriiska wuxuu Qorsheeyay si C/llahi uu shirkaas uga baajiyo in safarka ka hor lagu mudo Talaal sun, balse S.Y.L waa ka warheleen dhagartaa cadowgu la maaganaa hogaamiyahooda waxaana  go’aan nafhurnimo ah qaatay oo C/llaahi Ciise iska dhigay mudane Maxamed Yuusuf Aadan (Muuro) oo Muuqaal ahaan ay isku ekaayeen islamarkaana C/llaahi ahaan loo talaalay in muddo ahna la xanuunsanaa talaalkaas awgiis.

28-10-1948dii wuxuu md: C/llaahi Ciise ka dhoofay dalka si uu uga qaybgalo shir ka dhacayay Baris gaar ahaan lexuss oo ay soo qaban qaabiyeen Wasiiradii Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo 5tii ilaa lixdii may 1948 ku shiray London heshiiskaas oo la magac baxay “Sforza-Bevin plan oo Four Power Commission uga hadlayeen arrimaha Soomaaliya..

30/10/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ka degay Magaalada London waxaana soo dhaweeyay Ducaale Max’ed oo ahaa xoghayihii SYL ee Cardiff iyo Ibraahim Max’ed oo ahaa Madaxii S.Y.L. ee Liverpooll.

3/11/1948-dii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu la kulmay Xoghayahii arrimahad dibadda ee dalka Ingiriiska.

Maarso 1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu tagay xarunta Qaramada Midoobey ee New York halkaas oo uu ka waday Diplomaasiyaddii uu xoriyadda Soomaaliya ugu raadinayay.

13/6/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud isagoo ku sugan Magaalada New York waxa uu SYL u soo diray qoraalkii caanka ahaa ee la magac baxay Appello ai Somali oo uu ugu sheegayey Guud ahaan Somaali Weyn,SYL iyo Beesha Caalamka qatarta uu wato qorshaha Sforza Bevin Plan, arrintaas oo misana Qaramada Midoobey ku kala jabtay.

21/11/1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu suurta gashay in Qaramada Midoobey soo saarto Go’aan Lambar 289(UN Resolution No 289)oo qeexayay in Koonfurta Soomaaliya xorriyadda lagu gaarsiiyo mudo toban sano ah Trusteeship islamarkaana uu maamulo Talyaaniga, iyadoo la dhinac dhigay Guddiga Qaramada Midoobay ka socday oo ka koobanaa dalalka Masar, Filibiin, Colombia oo ilaalinayay howlaha xoriyad gaarsiinta sida ay u socdaan.

18/10/1950-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu dacwad u qoray Qaramada Midoobey taasi oo uu ku eedeenayo maamulka AFIS oo ka leexday waajibaadkii loo xilsaaray, waxa uuna ka codsaday Qaramada Midoobey in la sameeyo guddi la tashi Qaran (Consultative Council) oo awood leh, wuxuu kaloo Qaramada Midoobey ka codsaday in Soomaaliya laga difaaco Ajnabiga ku soo qulqulaya gaar ahaan kuwa Talyaaniga ah.

1954-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku guuleystay siyaasad ahaan in uu Qaramada Midoobey ku qanciyo in la is-barbarsuro calaamada Soomaaliya Qaramada Midoobey,iyo kan Talyaaniga

Xukuumaddii Daakhiliga:-

1956-1960-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, waxaana Dawladdaas lagu dhisay Sharci No=1 ee 7/5/1956-dii.

1959-kii Halgame C/llaahi Ciise wuxuu mar labaad ku guuleystay xilka Ra’iisal Wasaaraha.

12/4/1960-kii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu saxiixay, isla markaana soo saaray wareegtadii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna darajada Sareeye Guuto u dalacsiiyay una magacaabay Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Allaha u naxariisto general  Da’uud Cabdule Xirsi.

Xilalkii uu qabtay Xornimada Kadib

1960-1964-dii  C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa Wasiirka arrimaha dibadda.

1964-1967-dii C/llaahi Ciise waxa uu ahaa wasiirka Caafimaadka.

1967-1969-dii C/llaahi Ciise waxa uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha.

1969-1973-kii Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ka mid ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee kooxdii Militariga ahayd ay inqilaabeen lana xirxiray isagoo xabsiga ku jiray muddo afar sano ah.

1973-1984-kii Halgame C/llaahi Ciise wuxuu ahaa danjiraha Somaaliya u fadhiya dalka Sweden, isla markaana wakiil ka ahaa dhammaan waddamada la isku yirahdo Scandinavia.

GEERIDIISII

24/3/1988-kii Allaha u naxariistee Halgame C/llaahi Ciise waxa uu ku geeryooday Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

29/3/1988-kii Halgame C/llaahi Ciise maydkiisa ayaa dalka la keenay isla maalintaasna waa la aasay, waxaa loo aasay si heer Qaran ah, iyada oo halgamaashii SYL dhamantood ay aaskiisii ka soo qaybgaleen intii markaa nooleyd waxaana qabrigiisa si wadajir ubux u dhigay Madaxwaynayaashii Soomaaliya Mudane Aadan C/lle Cismaan iyo Jaalle Max’ed Siyaad Barre waxaana Janaasada Marxuumka soo xaadiray dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan iyadoo mudo saddex maalmood ahna hoos loo dhigay calanka Soomaaliya, waxaana dalka oo dhan ka dhacay baroordiiq Qaran.

Xusidda Halgamayaashii Xornimada u soo dagaalamay waa Cashir Shacbiga Soomaaliyeed ka baran karo qiimaha ay ku fadhido xoriyadda iyo in aysan ku imaan si fudud, haddii la dayacana uu xaalku ku danbayn doono qoomamo iyo uurkutaallo sababi karta in Maandeeq ay ka dhacdo haadaan dheer oo ay adkaan doonto sidii looga soo saari lahaa.

W/D Abuukar Xaaji Gobdoon

 

 

 

LEAVE A REPLY