Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda G/Sare Maxmed Adan Koofi Oo...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda G/Sare Maxmed Adan Koofi Oo Gaaray Magaalada Kigaali Ee Dalka Rwanda

963
0
SHARE

Kigaali, (SONNA):-Wafdi aad u balaaran oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxmed Adan Koofi ayaa gaaray Magaalada Kigaali ee Dalka Rwanda.

Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhamaan Agaasimayaasha lamaha ay Hay’addu ku leedahay Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Safarkan ay Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku tageen Magaalada Kigaali ee Dalka Rwanda ayaa waxaa qeyb ka ah sidii labada Hay’addo ee qaabilsan dhanka bixinta Basaboorada iyo Socdaalada ay isaga kaashan lahayeen Howlaha ay isaga midka ka yihiin.

Sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada ee uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa booqan doona Xarumaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Dalka Rwanda, sida Garoomada diyaaradaha iyo Xaduudaha uu dalkaasi leeyahay, si ay u ogaadaan habka ay u shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY