Qoysas Raashin loogu Qeybiyay Gaalkacyo+Sawirro

Qoysas Raashin loogu Qeybiyay Gaalkacyo+Sawirro

782
0
SHARE

Gaalkacyo(SONNA)-ilaa lix boqol oo qoys oo ka mida dadka abaaraha ku xoola beelay isla markaana  kusoo barakacay deegaanada  xaar-xaar oo 8km dhanka bari kaga beegan magaalada gaalkacyo iyo kulmiye oo 25km dhanka koofureed ka xigta magaalada ayaa la gaarsiiyay deeq raashin ah.

Deeqdaan oo ay kusoo Taa kuleeyeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa Warbaahinta uga waramay Caasho Warsame iyo Maymuun Cali Nuur oo ah   Guddoomiyaha ururka haweenka gobalka mudug oo iyaga loo wakiishay qeybinta deeqdaan, iyagoona sheegay in guud ahaan lacagta soo gaartay ee raashinka ay ugu soo iibiyeen dhibanayaasha abaartu saameysay ay gaarayaan  lacag dhan 4200$ (Afar kun iyo laba boqal oo doolar taas oo ay xuseen in 3200$ (sadax kun iyo laba boqol  oo doolar) ay soo dhiibeen dhallinyaro ku nool Magaalada Nebraso ee Dalka Mareykanka halka 1000$ (kun doolar) ay kusoo tabaruceen qaar ka mida gabdhaha jaaliyadda reer Galmudug ee ku nool isla gobollo ka tirsan Dalkaasi mareykanka kuwaasi oo sheegeen in ay ka xanuunsadeen dhibatada nololeed ee xilligaani heysata kumanaan qoys oo ka mida dadkii ku ceyrtoobay abaaraha ku dhuftay Dalkeenna Soomaaliya.

Qaar ka mida dadkii deeqdan la gaarsiiyay oo ay ka muuqdeen dhibaatooyin la xariira dhanka nolasha kuwaasi oo qaarkood aan heysan hooy ay kaga gabadaan qoraxda aadka u kulul ee ka jirta gobolka mudug maadaama xilligaani lagu guda jiro bilihii ugu kuleylka badnaa sanadka ayaa iyaguna ka duceeya deeqdaan ay kusoo taa kuleeyeen walaalahooda ka damqaday dhibaatada ay sababtay abaaraha ka jira guud ahaan gobollada dalka.

LEAVE A REPLY