Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo niminkii watay oo gacanta lagu...

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo niminkii watay oo gacanta lagu dhigay

1321
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)-Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay iyo labo Nin oo watay ku qabtay meel 30-KM u jirta Magaalada Cadaado.
Gaariga ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada maamulka Galmudug oo ku sugnaa duleedka magaalada cadaado ee caasimada kmg galmudug.
Gaariga waxaa lagu qabtay inta u dhaxayso deegaanka xanan buuro iyo magaalada cadaado,ciidamada ayaa wado baaritaan ku aadan halka uu ka yimid qaraxa iyo meesha lala damacsanaa.
ilaa labo ruux ayaa waday gaariga caasiga ah ee waday walxaha qarxa waxaana gacanta ku haya gaariga iyo labdii qofba ciidamada dowladda.

waxii faah faahina kala soco wararkeena danbe in shaa alaah.

LEAVE A REPLY