Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo kulan casho ah la qaatay...

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo kulan casho ah la qaatay Fanaanka da’da yar ee Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac)

2802
0
SHARE

Kulanka cashada ah oo ay soo agaasintay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudaan isla markaane ay goob joog Ka’ahaayen gudoomiyaha jaaliyaddda Soomaaliyeed ee dalka sudaan Cabdi wali xasan xuseen, Lataliyaha kowaad Ee safaradda Abuukar Boston, uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Fiidow Maxamuud Fiidow iyo walba Suldaan Kamaal oo Ka mid ah gudiga abaaraha ee ka jira dalka Sudan.

 

U jeedka kulanka ayaa ahaa Sidii loo qaban lahaa bandhig Faneed Gacan loogu geysanayo abaaraha ka jira dalkeena Soomaaliya.

 

Danjiraha safaaradda soomaaliya ee dalka Suudaan Danjire Maxamed C/llahi Ogaas oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa tibaaxay ujeedka ugu wayn kulanka inuu ahaa sidii loo qaban lahaa Bandhig Faneed lacagu loogu aruurinayo dadka ay abaarta saameysay

 

Dhanka kale Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac) oo Asigane la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa ka codsaday dhamaan Soomaalida ku nool Khartoum inay ka soo qayb galaan bandhiga lagu Caawinaayo walaalahood dhibaateysan

 

Dhawaan ayee aheed markii gudi heer qaran oo ka kooban 15 lagu doortay Caasimadda Khartoum ee Dalka Suudaan isla markaane ka qayb qaadan doono u gurmashada dadka ay abaartu soo gaartay.

Yuusuf  Maxamed Macalin (Yuusuf Kashmiir)

LEAVE A REPLY