Wasiir Hadliye “Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo iyo Yemen ayaa ka masuul ah...

Wasiir Hadliye “Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo iyo Yemen ayaa ka masuul ah Dadka la laayay” Dhageyso

3159
0
SHARE

Muqdisho,(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane C/salaam Cumar Hadliye oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Duqeyn loo geystay Doon ay saarnaayeen xeebaha Wadanka Yaman.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in falkaasi lagu laayay dadka Soomaaliyeed ay ka danbeeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga iyo Dowladda Yemen.

“Waxaa ka dhacay Yemen dhibaato wayn oo gaartay dad Soomaaliyeed oo Masaakiin ah, waxaan ku tala jirnaa inaan kala hadalno Dowladda Yemen Arrintaan, sidoo kalana Yemen waxaa looga fadhiyaa inay Jawaab cad ka bixiso Arintaan.” sidaasi waxaa yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Mudane hadliye ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in la cadeeyso cida ka masuulka ah falkaan iyo sababta loo beegsaday dadka Soomaaliyeed.

42-Qof oo Soomaali ah ayaa Wasiirku uu xaqiijiyay inay ku dhinteen Doonta la duqeeyay, sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan dad kale oo dhaawacmay kuwaas haatan lala tacaalayo Xaaladooda Caafimaad.

LEAVE A REPLY